HomeHaweenay Haraad Ugu Geeriyootay Xadka Jabuuti Iyo Somaliland

Haweenay Haraad Ugu Geeriyootay Xadka Jabuuti Iyo Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Lawyacaddo, (SLpost)- Haweenay ummul  ah ayaa haraad ugu dhimatay meel 10 km u jirta magaalada Lawyacado ee xuduudka Somaliland iyo wadanka Jabuuti, waxaana hooyadaasi sida la sheegay ay ka soo socdaashay ismaamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hooyadan u geeriyootay haraadka oo da’deeda lagu qiyaasay ilaa soddon jir, isla markaana aan sidan waraaqo sharci ah oo ay ku safarto ayaa sida la sheegay doonaysay in ay ka talawdo xuduuda Somaliland, una gudubto dhinaca dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.

Marxuuumada oo aan ilaa hadda la aqoonsan magaceeda ayaa wadatay ilmo yar oo ay dhashay, qiyaastiina jira ilaa sannad iyo badh, gabadhan ayaa geeriyootay sida la sheegay 12-kii duhurnimo ee maalinimadii Khamiistii ee ina dhaaftay, waxaana ciidamada Booliska degmada Saylac ku soo wargeliyay dadweynaha deegaankaasi, waxaanay ciidamadu hawl-gal ballaadhan oo ay qaadeen ku soo heleen 7:00 habeenimo maydka marxuumada iyo waliba ilmihii ay sidatay oo bedqaba.

Maydka marxuumada ayaa lagu aasay magaalada Saylac maalinimadii Ciida ee Jimcihii ina dhaafay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka Salal, halka ilmihii yaraa ee ay ka geeriyootayna  ay gacanta ku hayaan  ciidanka booliska Somaliland, halkaasina lagu xanaaneynayo.

Deegaanka gobolka Salal ayaa waxaa ka taagan xaalad biyo la’aaneed oo saameysay gebi ahaanba dad iyo duunyada ku dhaqan gobolka, iyadoo la sheegay inay hore haraad ugu dhinteen afar qof  oo ku kala geeriyooday meelo kala duwan oo ka mida deegaankaas, sida uu noo xaqiijiyay dhamme saddex xidigle Xasan C/salaam Yuusuf oo ah taliyaha degmadda Saylac.

Masuuliyiinta sare sare iyo maamulka gobolka Salal ayaa baaq u diray xukuumadda jamhuuriyada Somaliland iyo hay’adaha la shaqeeya ee isugu jira kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba, waxaanay ugu baaqeen in lala soo gaadho gurmad iyo biyo dhaamis degdega.

Bishan todobaad ee aynu ku jirno ilaa iyo bisha siddeedaad ee sannad walba ayaa sida qaalibka ah ay degaanka dad badani ugu geeriyoodan haraad dartii, kuwaasi oo ka soo kala goosha wadamada Itoobiya iyo meelo kale, iyaga oo doonaya in ay si bilaa sharciya oo dhuumasho ah ugu talaaban xuduudka labada dawladood ay wadaagaan ee Somaliland iyo Jabuuti.

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories