HomeHaweenay Dawarsan Jirtay Oo Ka Dhimatay 75 Kun Oo Doolar Iyo Hanti...

Haweenay Dawarsan Jirtay Oo Ka Dhimatay 75 Kun Oo Doolar Iyo Hanti Kale Dahab Iyo Dhul Ba Leh

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

uunis (SLpost)- Gabadh muddo dheer dawarsanaysay oo si kedis ah u dhimatay ayaa dadkii deriska la’ ahaa buulka ay gashaa ay ka heleen tobannaan kun oo doolarka Maraykanka ah, dahab iyo waraaqo mulkiyadeed oo dhul ay lahayd.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeysa A-Shuruuq ee ka soo baxa dalka Tuunisiya ayaa lagu sheegay in gabadhan oo da’ ahayd xaafadda iyo degmada ay ku nooshayna caan ka ahayd maadaama oo ay ka dhex dawarsanaysay muddo rubux qarni ah ay dadka xaafaddu arki waayeen muddo laba maalmood ah, taas oo sababta in la is weydiiyo halka ay qabatay, aakhirkiina ay gurigeeda galeen si ay u ogaadaan in ay ku dhex jirto iyo in kale, markii albaabkii guriga ay galeenba waxa ay dareemeen ur aan fiicnayn, taas oo ku sii dhiirrigelisay in ay hubiyaan, laakiin waxa ay u tageen maydka islaantan dawarsan jirtay oo dhulka yaalla. Waxaana dusha kaga daadsanaa lacag loo maleeyey in ay tahay tii ay soo dawarsatay oo naftu ku simi weyday in ay meel dhigto.

Gabadhani wax ubad ah ma’ay dhalin odaygeediiina muddo dheer ka hor ayaa uu dhintay, sidaa awgeed kelideed ayaa guriga geli jirtay. Dadka deriska ayaa wargeyska u sheegay in guriga laga helay lacag u dhiganta 75 Kun oo doolarka Maraykanka ah oo badhkeed ay ku dhex qarisay quraaradaha sharaabka laga cabbo, weelka kijada guriga u yaalla iyo meelo la mid ah, sidoo kale waxaa laga helay waraaq mulkiyadda loo yaqaanno oo caddaynaysai n ay dhul lahayd. Waxase yaab lahayd markii la ogaaday in miskiinaddan geeriyootay ay sidoo kale lahayd Sanduuq boos oo farriimuhu ugu soo dhacaan iyo in ay haysatay lacag inta aynu xusnay dheeraad ka ah oo iyadu ahayd lacag muddo ka hor la beddelay oo xilligan aan la isticmaalin, bangiguna ogolaanayn in uu beddelo.

Dad qaraabo la’ ah dawarsatadan maalqabeenka ah ayaa iyaguna sheegay in muddo ay xidhiidhkooda jartay, dooratayna in ay gurigan yar kelideed ku noolaato ciddii u timaaddana iska fogeyso, wax xidhiidh ahna aanay ehelka la yeelan. Dad qaraabada ah ayaa sheegay in hantida ay miskiinaddani ka tagtay ay dadkii dhaxalka xaqa u lahaa ay qayb ahaan ku dayactireen dugsi ku yaalla degmada, intii soo hadhayna ay dhaxladeen.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories