HomeHaween-weynaha Somaliland oo taageeray Hawl-gallada Ciidamada Qaranka ee sugidda Midnimada Dalka, kuna...

Haween-weynaha Somaliland oo taageeray Hawl-gallada Ciidamada Qaranka ee sugidda Midnimada Dalka, kuna baaqay Bannaan-baxyo laga dhigo dalka oo dhan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 19 January, 2012 (SLpost)- Haweenka xisbiyada iyo axsaabta siyaasadda Somaliland ayaa maanta shir balaadhan oo ay ku qabteen xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada ee Magaalada Hargeysa ku taageeray Ciidamada qaranka Somaliland iyo qadiyada qaranimada JSL.

Marwo Khadiija Xaaji Bandare oo ugu horreyn ka hadashay shirkaasi ayaa sheegtay inaanay suurto gal ahayn in la kala dhantaalo midnimada Somaliland, waxaanay kooxda ku shirtay Taleex ku tilmaantay niman riyo aan rumoobayn soo dhoodhoobay.
Khadiija Bandare waxay sheegay in Haweenka Somaliland ay u midaysan yihiin taageerada ay u hayaan dalkooda iyo qaranimadooda, iyadoo bogaadisay ciidamadda qaranka oo ay ku ammaantay siday heeganka ugu yihiin sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka dalka iyo xuduudaha mucayinka ah ee Somaliland.

Marwo Canab Cumar Ileeye ayaa dhinaceeda ka sheegtay in Somaliland ay tahay qaran dimuqraadi ah oo u bislaaday hanashada qaranimadiisa, waxaanay xustay inaanay suurto gal ahayn in maamul goboleedyo laga dhex abuuro Somaliland.

Canab Cumar Ileeye waxay kooxaha ku shiray Taleex u soo jeedisay inay dalkooda iyo dadkooda ka daayaan hagar daamada.

Canab Cumar Ileeye waxa kale oo ay sheegtay inay maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa fagaaraha Beerta Xoriyada ee Caasimada Hargaysa lagu qaban doono banaan bax weyn oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland, waxaanay bulshada ku dhaqan caasimada ugu baaqday inay si weyn uga soo diyaar garoobaan Mudaharaadkaas si ay beesha caalamka u tusaan dareenkooda ku wajahan qaranimadooda.

Canab Cumar waxay sheegtay in qaranimada Somaliland ay tahay muqadas isla markaana aanay waxba yeeli karin kooxo iyo ashkhaas qaran diid ah.

Sidoo kale, waxa shirkan ka hadashay Marwo Farduus Dirir Cali, waxaanay shacbiga ku dhaqan gobolada Sool iyo Buuhoodle u soo jeedisay inay dhegaha ka furaystaan wax ay ugu yeedhay kooxaha fidmo wadayaasha ah ee dalka dibadiisa laga soo abaabulay isla markaana  doonaya inay dhaawacaan nabadgelyada shacbiga goboladooda.

Waxa kale oo ay sheegtay in haweenka Somaliland si niyad ah u garab taagan yihiin Ciidanka qaranka ee ku sugan gobolka Sool iyo Buuhoodle.

 Somalilandpost News

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories