HomeHaween-waynaha Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May oo Taageero Buuxda siiyey Xisbiga...

Haween-waynaha Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May oo Taageero Buuxda siiyey Xisbiga KULMIYE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Haweenwaynaha ku dhaqan degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ee caasimadda Hargeysa, ayaa taageero buuxda siiyey xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.
FB_IMG_1509390044768Boqolaal haween ah oo ku midoobay dallad magaceeda la yidhaa Dan-wadaag, kana soo jeeda degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May oo lagu qabtay huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa galabta, taas oo ay soo qabanqaabiyeen masuuliyiin iyo xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu hormood ka yahay Eng. Ibraahim Daahir Dubbad, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Maxamed Ibraahim (Qabyo-tire), Amb. Cawil Cali Ducaale, Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo saraakiil kale, madaxdhaqameed iyo dhallinyaro.
Xubno ku hadlayey afka haweenka dallada Dan-wadaag, madaxdhaqameed iyo waxgarad kale, ayaa madasha ka caddeeyey inay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweyne Md. Muuse Biixi oo ay ku tilmaameen inuu yahay murrashaxa keliya ee lagu aamin karo talada waddanka waqtigan.
FB_IMG_1509390032449Wasiirka Qorshaynta Md. Maxamed Ibraahim (Qabyo-tire), Amb. Cawil Cali Ducaale iyo Eng. Ibraahim Daahir Dubbad, ayaa iyaguna uga mahadceliyey haweenwaynaha iyo bulshada degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ee muujiyey sida ay u barbartaagan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa mahadnaq ballaadhan kaga dareen-celiyey taageerada haweenka Dan-wadaag, waxaannu ku tilmaamay in taageeradooda uu u arkayo lexojeclo iyo hiil ay isaga iyo xisbigaba la barbaristaageen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories