HomeHaween Baaq-Nabadeed u diray bulshada ku dhaqan deegaannada Bari ee Somaliland

Haween Baaq-Nabadeed u diray bulshada ku dhaqan deegaannada Bari ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 25 January, 2012 (SLpost)– Xubno haween ah oo ka soo jeeda beelaha wada dega gobollada Bari ee Somaliland ayaa markii ugu horreysay baaq nabadeed u diray bulshada ku dhaqan deegaannada Sool iyo Buuhoodle, iyaga oo soo jeediyay in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal iyo walaaltinimo.

blankHaweenka baaqa Nabadeed diray oo shalay iskugu yimid hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha siyaasadeed ee ka jira gobolladda bariga nabad lagu soo dabbaalo.

Aamina Faarax Caarshe oo ka mid ah dumarka baaqa dirayey ayaa ugu horreyn bulshada deegaanada Sool iyo Buuhoodle ugu baaqday nabadgalyo iyo walaaltinimo, iyada oo arrimahaas ka hadlaysana waxa ay tidhi “Anigoo ka mid ah haweenka u dhashay deegaannada bariga, waxaan ugu baaqayaa dhammaan salaadiinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan walaaltinimo, abtinimo iyo ehelnimo, oo aanan ahayn dad kala maarmaya, oo dhibaato iyo wanaagba wada qaybsanno, sidaas awgeed waxaanu leennahay in aan wax dhibaato ahi dhicin, dumarkana waxaan leeyahay dagaalka wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, arrintaasna nabad lagu dhameeyo,” ayay tidhi, iyada oo intaas raacisay, “Anigu labada dhinacba waan ahay oo waa dadkaygii marka waxaan leeyahay nabadda ayaa lagu horumaraa, nabad ayaa meel lagu gaadhaa, ee walaalayaal gogosha uu madaxweynuhu idiin fidiyey ka soo qayb gala, waxa kale oo aan hambalyeynayaa hadalkaas ka soo yeedhay Xagle toosiye oo ah qabanqaabiyaasha shirkaasi, marka nin kasta oo qori sita waa inuu qoriga dhigaa oo qofkasta oo ka qaybqaato horumarka iyo dhismaha dhulkeenna”.

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Cibaaddo Diiriye Cartan waxaanay baaq nabadeed u dirtay gobollada bariga Somaliland, iyada oo sheegtay in aan meelna lagu kala tegayn “Waxaan baaq nabadeed u dirayaa eheladayda, walaaladay, ilmaadeertay, tolkey iyo dumaashiyaday oo aan leeyahay wax kasta oo dhaca ha lagu dhammeeyo nabad oo lagu dabaalo wada hadal, Madaxweynaha Somaliland isagana waxaan ka codsan lahaa beelaha bariga in hadalkooda lagu dhammeeyo wada hadal iyo nabad, wax kasta oo dhaca waxa lagu dhameeyaa wada hadal, dalkana adiga Madaxweyne ka ah waxaan ku leeyahay dadka walaalaha ah ee wada dhashay waa inay midigtaada iyo bidixdaada kala noqdaan, waa inaad arrintoodda lagu dhameeya nabad, dagaalku waxba ma taro, kala qoqobnaantu waxba ma tarto, waa dad isku dhiig ah isku dhaqan ah, waxay beeshu tabanayo waa inay helaan, dadka iyaga ka dhashay ee iyaga loo diro waa inay kuwo aanay diidanayn loo diro, sababtu waxay tahay ilmaadeer isma indho buuxiso, kuwa ka hadalka wanaagsan ee ka dabacsan waa in loo diraa”ayey tidhi.

blankFarduus Siciid Dirir oo ka mid ah haweenkan baaqa nabadeed dirayey ee ka soo jeeda beelaha gobolka Sool, ayaa ku baaqday in nabad iyo wada hadal lagu dhammeeyo wax kasta oo la isku hayo “Dagaalku waligiiba wuu dhici jiray waa se la xallin jiray, markaa labada dhinaca waxaan ugu baaqayaa inay nabadda qaatan oo aanay geesiyaal iyo halyeeyo badani inagaga dhiman wax la dhammayn karo, waxa aan halkan hambalyo ugu diriyaa Saleebaan Xagle-Toosiye oo isagu nabad qaatay, waana wakhti ku munaasib ah, dariiq fiicanna wuu maray, waxaan leeyahay walaal qabyaaladi waxay dhinto mooyee waxay soo kordhinaysaa ma jirto, waxaanu halkan iskugu nimid sidii aanu u diri lahayn farriin laba dhinac wadata, hore ayaa baaq sidan oo kale ah loo diray, markaas mar haddii aannu nahay haweenkii bariga, maadaama oo ay si gaar ah noo taabanayso, oo aannu dhinac walba ku xidhan nahay oo dhal iyo dhasheed nahay, qolo kasta oo guul sheegata annaga guul darro ayay noo tahay, kuwa ku dhimanayaa waa dadkayaga uun, labada dhinac kii ay wax ka dhimataa waa isla anagii uun, marka waligeedba waa la is layn jiray ee waxa fiican uun inta nool loo taliyo oo nabad lagu dhameeyo khilaaf kasta oo dhaca, nabadduna waxay ku imanaysaa maxay eegna oo inoo dan ah, mana jeclin carruur innaga agoomawda iyo dumar inaga asay qaata, labada dhinaca kii dhintaa midna janno kuma galayo waayo wuxuu la dagaallamayaa waa dad muslim ah”, ayey tidhi Farduus Dirir.

Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan dumarkii halkaas iskugu yimid ayaa ka sinnaa baaqan nabadeed, iyaga oo ku taliyay in laga waantoobo wax kasta oo dagaal iyo colaad abuuri kara.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories