HomeHawd Iyo Buuhoodle Oo Barbareeyay Ciyaartii ugu Dambaysay Wareegga koowaad ee Boorame,...

Hawd Iyo Buuhoodle Oo Barbareeyay Ciyaartii ugu Dambaysay Wareegga koowaad ee Boorame, Yaa Soo Baxay? + Natiijooyinka Guud ee Group A

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

 

Waxaa maanta la soo gabagabeeyay wareega kowaad ee isreeb reebka tartanka gobolada Somaliland qaybtii ka socotay Xaaji Daahir Stadium ee magaalada Boorama kadib markii kulamadkii ugu danbeeyay galinka hore loo badalay si looga hortago rabashado la mid ah kuwii dhacay kulankii Maroodi Jeex iyo Awdal. Kooxda xulka gobolka Saaxil ayaa guul 2:1 ah ka gaadhay kooxda Salal, waxayna guushaasi kooxda gobolka saaxil ka caawisay inay u soo baxdo wareega sideed dhamadka tartanka gobolada Somaliland, Sida aannu idiinku soo gudbinay qodobkii hore ee Somalilandpost ciyaartan kaga faalootay. Waxa sidoo kale kooxda gobalka Hawd ay barbaro 1:1 ah la gaashay kooxda gobalka Buuhoodle.

 

 

Kooxda gobolka Hawd ayaa u soo baxday wareega sideed dhamaadka tartanka gobolada Somaliland kadib markii ay barbaro 1:1 ah la gashay kooxda gobalka Buuhoodle. Hawd ayaa kaalinta labaad kaga soo baxday Group A halka kooxda gobolka Awdal ay kaalinta kowaad kaga soo baxday. Kooxaha Maroodi Jeex iyo Buuhoodle ayaa tartanka gabi ahaanba ka hadhay.

 

Hawd ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo saddex dhibcood ka heshay kulankii ay Maroodi Jeex guusha wayn ka gaadhay halka ay hore guuldaro ugala soo kulantay kooxda gobalka Awdal, sidaa daraadeed kooxda gobalka Hawd ayaa barbaro kaliya kulankan uga baahnayd si ay wareega sideed dhamaadka u soo gaadho.

 

Laakiin buuhoodle oo guuldaro kala soo kulantay kooxda gobalka Maroodi jeex isla markaana barbaro la soo gaashay kooxda gobolka Awdal ayaa kulankan ku qasbanayd inay guul gaadho si ay rajadeeda, waxayna buuhoodle kulankan ciyaaraysay iyada oo leh hal dhibic oo kaliya waxayna sidoo kale  Buuhoodle u baahnayd inay ugu yaraan laba gool iyo wax ka badan guul ku gaadho si ay ugu soo baxdo wareega sideed dhamaadka.

Sidaa daraadeed kooxda gobolka Buuhoodle hawl badan ayaa kulankan u taalay halka kooxda gobalka hawd ay ahayd kooxd ugu cad cad ee la filayay inay u soo baxayso wareega sideed dhamaadka.

 

Kulankan ayayna qaybta hore ee ciyaarta Hawd iyo Buuhoodle midna u suurto galin inay wax goolal ah la yimaadaan taas oo cadaadis dheeraad ah ku kordhisay kooxda gobalka Buuhoodle oo ay rajadeedu sii yaraanaysay marka uu waqtigu socdaba, waxaana qaybta hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Buuhoodle doonaysay inay ciyaarta wax ka badasho, waxayna qaybta danbe ku bilaabatay weerar badan laakiin difaaca kooxda gobalka Hawd ayaa muujiyay adkaysi badan, waxayna iska badbaadiyeen haliso badan.

Laakiin ciyaarta oo dhamaad ah ayay kooxda gobalka Hawd heshay goolka ay niyadda kaga jabisay kooxda gobalka Buuhoodle, waxaana gool qurux badan oo madax ah Hawd udhaliyay Caadil oo weerarka ugu bilawday kooxda gobalka Hawd, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay kooxda gobalka  Hawd hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Laba daqiiqo oo kaliya kadib ayey kooxda gobalka markeeda heshay goolka ay kula timid barbaraha laakiin Buuhoodle ayaa goolkan la timid daqiiqadii 90 aad ee dhamaadka ciyaarta taas oo wali looga baahnaa inay goolal kale la timaado, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay barbaro 1:1 ah, waxaana sidaa wareega sideed dhamaadka tartanka gobolada Somaliland ugu soo baxday kooxda gobalka Hawd.

 

Natoojooyinkii Group A: Awdal, Maroodi Jeex, Hawd, Buuhoodle

Waxaa Group A ka soo baxay kooxaha goblada Awdal iyo Hawd, halka Maroodi Jeex iyo Buuhoodle ay ka hadheen.

 

Kulamadii Awdal uu ciyaaray:

Awdal 1:0 Hawd

Awdal 1:1 Buuhoodle

Awdal 0:1 (iyada oo aan ciyaartu dhamaan ayaa lays khilaafay oo rekoodhe Awdal loo dhigay ayaa khilaaf keenay, Maroodi jeexna tartanka ayaa laga reebay halka saddexda dhibcood ee kulankan la siiyay Awdal)

 

 Kulamada Madoodijeex uu ciyaaray

M.jeex 3:2 Buuhoodle

M.Jeex 1:3 Hawd

Maroodi Jeex 1:0 Awal (iyada oo aan ciyaartu dhamaan ayaa lays khilaafay oo rekoodhe Awdal loo dhigay ayaa khilaaf keenay, Maroodi jeexna tartanka ayaa laga reebay)

 

Kulamada Hawd uu ciyaaray

Hawd 0:1 Awdal

Hawd 3:1 M.Jeex

Hawd 1:1 Buuhoodle

 

 Kulamadii uu Buuhoodle ciyaaray

Buuhoodle 2:3 Maroodi Jeex

Buuhoodle 1:1 Awdal

Buudoodle 1:1 Hawd

 

Somalilandpost, Hargeisa Ofiice.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories