HomeHargeysi Waxay u Baahan Tahay Gole Deegaan oo ka Fayow Hab-Dhaqanka Isir...

Hargeysi Waxay u Baahan Tahay Gole Deegaan oo ka Fayow Hab-Dhaqanka Isir Sooca.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Kadib lasoo noqoshadii madax banaanida Somaliland, Sidaynu ka war qabno,waxa bulshada Somaliland, sida ay go’aanka ugu qaateen, inay gooni uga go’een soomaaliya inteedii kale, ay sidaas oo kale  go’aan ugu qaateen inay magaalada hargeysa u noqoto magaalada madaxda dalka jsl,  si taasi loo xaqiijiyo ayaa lagu qoray dastuurka qaranka Somaliland,iyadoo sida laga  dheehan karo qodobkaasi caasimada lagu xardhay, baalasha hore ee buugga dastuurka qaranka.

 Qaraarkaasi la gaadhay ma ahayn mid dhayal iyo si fudud la iskula qaatay,balse waxa uu ahaa go’aan miisaankiisa leh, una dhigma mawqifka Somaliland ku go’aan satay inay dib xorriyadeedii ula soo noqotay.

Haddii aan si kale kuugu dhigo,sida aanay Somaliland u ahayn wax beel  ama 2beelood keli ahi sheegan Karto ,una tahay wax qaranka oo dhammi  wada leeyahay,ayaa caasimaduna u noqotay laga soo bilaabo taariikhdii qaraarkaasi, goob ummadda Somaliland ku abtirsata oo dhammi  wada leedahay oo cid ka sheegan karta cid kale  oo somalilander ah aanay u jiri karin.

 

Miisaanka qaraarkaasi iyagoo ka duulaya bulshada Somaliland waxay dedaal u galeen sidii ay magaala-madaxda dalka u camiri lahaayeen,siyaasi, aqoon yahan,ganacsade caadiya ,qurba joog,badiba dadwaynihii gobolada dalku waxa iyagoon u kala hadhin ay muruq maskax iyo maalba isugu geeyeen hargeysa oo ah caasimadii dalka .

 

Iyadoo ay sidaasi tahay qorshaha  lagu wada joogo ee lagu wada deggan yahay hargeysana uu yahay kan caynkaasi ah sida caasimadaha kale ee caalamka, oo aanay jirin cid marti ah iyo cid marti caasimadda looga yahay toonna , ayaa nasiib darro waxaad arkaysaa ceebo badan oo ka soo if baxaya dadkii aqoonta loo tirinayay qaarkood.

 

Meelaha habdhaqankaasi nusqaanta ku ah qaran-nimada iyo jiritaanka ummadnimo,sida weyn looga dheehanayo waxa kaalmaha hore kaga jira, maamulka dawladda hoose ee caasimadda,Waxa fadeexad iyo xaalad laga naxo ah,in badiyaa cidda dhibaatada iyo adeeg xumada iyo dulmiga kala kulanta dawladda hoose ee hargeysa ay yihiin,muwaadiniinta deggan caasimada ee isir ahaan kasoo jeeda gobolada kale ee dalka.

 

Waxa runtii ceeb ku ah maamulka sare ee dawladda hooseinay isu arkaan kuwo masuuliyadoodu ku egtahay xaafadihii ay ka yimaadeen ama laga soo dooratay.

waxa ceeb ku ah inay garan waayeen maadaama ay yihiin golihii deegaanka ee caasimadda,inay ka duwan yihiin golayaasha deegaanka ee magaalooyinka kale ee dalka,xilkooduna koobsanayo bulsho ka kooban intii caasimada deegaanka u ahayd iyo intii deegaanada kale ee dalka oo idil.

Si kastaba ha ahaatee bulshada caasimada ku dhaqani uma baahna hayb sooc iyo masuul u kala abti tiriya,ee waxay u baahan tahay,maayar cadaalad iyo sinnaan ugu adeega,xuquuqdoodana si dheeli tiran ugu ilaaliya.

 

 

By:Faarax Jaamac Dirir……….Hargeysa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories