HomeHargeysa: Xukuumadda oo mar kaliya Xabsiga ku Gurtay Wariyeyaashii ugu tirada badnaa...

Hargeysa: Xukuumadda oo mar kaliya Xabsiga ku Gurtay Wariyeyaashii ugu tirada badnaa abid

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 Hargeysa, 15 January, 2012 (SLpost)- Waxaa Goor dhoweyd xabsiga lagu guray weriyaashi u badnaa abid ee la xidho hal maalin iyo isku wakhti, weriyaashan ayaa bannaanbax selmi ah ka hor dhigay Madaxtooyada horteeda waxaanay bannaanbaxa weriyashani ku saabsan xidhitaanka televisionka HCTV ee xalay ay ciidanka Boolisku albaabada u laabeen gebi ahaanba xafiisyadii iyo xarumihiisi baahinta ee Hargaysa, iyo sido kale dhaleecayntii qaawanayd ee madaxweynuhu khudbadiisa ku soo darsaday shalay kulana dul kufay Televisionka HCTV iyo warbaahinta madaxa bannaan.

Xadhiga weriyaashan ayaa noqonaysa dhacdadii ugu yaabka badnayd ee abid soo marta warbaahinta xorta ah, iyo cabudhin aad xad lahayn oo xukuumadda madaxweyne siilaanyo ku hayso warbaahinta xorta ah.

Illaa iyo imminka weriyaasha xidhan ee ciidanka Boolisku ka hor qabteen xarunta madaxtooyada ayay ku jiraan saraakiil sarsare, tafatirayaal iyo sawirqaadayaal, waxaana ka mid ah weriyaasha xabsiga lagu Guray

XASAN MAXMED YUSUF Guddoomiyaha Ururka Suxufiyinta Somaliland ee SOLJA

MAXED CABDI SHEEKH (ILIG) Agaasimaha Guud Ee Hctv

MAXED CUMAR CABDI (CIRRO) Tafatiraha Guud Ee JAMHUURIYA

NAJAX AADAN CUNAAYE – Hadhwanaagnews

XAMSE CALI BULBUL Madaxa Wararka ee TV ga HCTV

NIMCO CUMAR MAXMED (NIMCO SAMRIYE) Weriyaasha HCTV

Iyo weriyaal kale oo tiro badan.

Lama garanayo illa iminka waxa lagu xidhay weriyaashaas iyo saraakiishaas warbaahineed ee xabsiga ku jira ,marka laga reebo banaanbax nabadgelyo oo ay ka hor sameeyeen madaxtooyada horteeda.

Tan iyo markii ay xilka la wareegtay xukuumada madaxweyne siilaanyo waxa warbaahinta xorta ah ku batay xadhiga, cabudhinta, tacaddiga iyo caga juglaynta aan xadka lahayn ee loo geysanyo warbaahinta, dhacdadan imminka ay ku kaceen Ciidanka madaxtooyadu ayaa illa imminka fajiciso ku ah bulshada, taaso ay ugu dareen xadhigii TV gii keli ahaa ee somaliland laga lahaa kuna shaqaynayey sida xorta ah.

Illaa imminka waxa xidhan jidka hor mara madaxtooyada, waxaana cakiran agaagarka madaxtooyada, lamana garanayo waxa ay madaxtooyadu cadowtinimada intaas leeg ugula dagaalamayso warbaahinta oo la odhan karo waa tii keli ahayd ee u sahashay in madaxweynaha haatan talada hayaa uu kursigaasi fuulo.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories