HomeHargeysa: Xukuumadda oo Digniin u dirtay Beesha Caalamka, Soomaaliya iyo Shacabka Somaliland

Hargeysa: Xukuumadda oo Digniin u dirtay Beesha Caalamka, Soomaaliya iyo Shacabka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka ugu wargelisay inaanay qayb ka ahayn nidaamka doorashooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan dalkaasi Soomaaliya ee ay tahay dalka ka madax-bannaan, isla markaana ka feejignaadaan sheegashada maamulka Muqdisho.

War-saxaafadeed ka Isniinta maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo nidaamkiisa maamul ku dhisan yahay hannaan dimuqraadiyadeed oo Shacabku codkooda ku doortaan madaxda hoggaamisa.

blankWar-saxaafadeedka, oo xambaarsan saddex farriimood oo lagu kala socodsiiyey Beesha Caalamka, Dowladda Muqdisho iyo Shacabka Somaliland, nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u dhignaa sida hoos ku qoran:-

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qaramada midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka taagta daran ee Somalia.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay 18 may 1991 kii, lasoo noqotay dawladnimadeedii ay ku darsatay somalia 1960 kii, Soddon sano kadib Somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuqraadi ah, isla markaana shacbigu doortaan cidda ku matalaysa golayaasha fulinta (Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka), Sharci-dejinta (Golaha Wakiilada), iyo Dawladaha Hoose, si xor iyo xalaal ah, oo qof iyo cod ah.

Sidaa darteed Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga digaysaa maamulka iyo siyaasiyiinta Somalia in ay ka waantoobaan sheegashada beenta iyo riyada ku dhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalamka.

Ugu dambayn Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war-gelinaysaa shacbiga somaliland in ay ka feejignaadaan hagardaamooyinka cadawga jamhuuriyadda somaliland, islamarkaana meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo isku dayda in ay ku xad gudubto madax bannaanida iyo qarannimada Somaliland.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories