HomeHargeysa: Xarunta Ururinta Raad-Reebka Taariikhda Qaranka oo Xadhigga laga jaray

Hargeysa: Xarunta Ururinta Raad-Reebka Taariikhda Qaranka oo Xadhigga laga jaray

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Xubno ka mid ah madaxda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta xadhigga ka jaray xarun lagu ururin doono taariikhda dhinaca hiddaha ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ku taalla badhtamaha caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda xadhigga lagaga jarayey xaruntan, ayaa waxa ka qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, agaasimayaal guud, madaxda xarunta keydka taariikhda qaranka Safiirro iyo wakiillo ka socday qaar ka mid ah dalalka caalamka ee Somaliland saaxiibka la ah iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay leedahay taariikhda iyo hiddaha ummadda reer Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in la keydiyo.

blankUgu horrayn agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bille, ayaa si qoto dheer u sharraxay ujeeddada laga leeyahay xarunta cusub ee lagu ururinayo raad-raaca taariikhda dalka, waxana uu sheegay in goobtani tahay xarun lagu ururin doono hiddaha soo jireenka ah ee ummadda iyo taariikhda faca-weyn ee ay bulshada Somaliland leedahay, isaga oo qaybaha kala duwan ee bulshadana ugu baaqay inay ka qayb-qaataan ururinta agabka kala duwan ee dhinaca hiddaha iyo taariikhda dalkaba.

Agaasimaha madxafka qaranka, Dr. Xuseen Saleebaan Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in xaruntani noqon doonto goob lagu sii ururiyo agabka hiddaha iyo taariikhda dalka ee la dhigi doono madxafka qaranka looga dhisayo badhtamaha caasimadda, waxana uu shacabka ugu baaqay inay kusoo tabarrucaan wixii agab ah ee ay hayaan.

Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac oo madasha soo gunaanaday, ayaa si isku mid ah u sheegay in ururinta taariikhda ummaddu ka mid tahay jiritaanka bulshada, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay si dhab ah u taageeri doonaan hawsha ururinta agabka hiddaha iyo taariikhda dalka ee uu qaranku gudo galay.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories