HomeHargeysa: Xarunta Sahan oo gaadhay heer Qaran iyo waxbarasho cusub oo lagu...

Hargeysa: Xarunta Sahan oo gaadhay heer Qaran iyo waxbarasho cusub oo lagu kordhiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Hinda Xirsi Gaani, ayaa ku dhawaaqday “runtii waxaanu agaasinka iyo maamulka Sahan heshiis ku nahay qofkii u baahan in wax u qabto in aanu xaruntan keeno, aadbaan ugaga mahad celinayaa maamulka iyo aasaaseyaashaba, tanina waa mid kamida shaqadii aanu qaranka u haynay”ayey tidhi Wasiir Gaani oo ku wareejisay maamulka xaruntan qalab dhamaystiran oo ay ku shaqo tegayaan 13 Arday oo ka baxay dufcadii 10aad ee dugsigan oo bartay farsamada gacanta.

Ardayda ayaa la guddoonsiiyey agab isugu jira Dawaarka Maryaha lagu tollo, Kabo iyo qalab kale oo daruuri u ah shaqada, waxa kale ooo deeqdaasi ka mid ahaa xoollo nool oo adhi ah, waxaana dhamaan agabkan iyo xoollahaba ku caawisay Wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada oo ka jawaabaysa balanqaad ay u fidisay xarunta sahan.

Munaasibad loo qabtay wareejinta deeqdan oo ka dhacday xarunta sahan ee galbeedka Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirro ka socda xukuumadda, Maamulka xarunta, Aqoonyahan, waxgarad, waalidiinta ardayda dhamaysatay waxbarashada ee qalabka lagu wareejiyey iyo marti-sharaf kale.

Khudbado ay halkaasi ka jeediyeen xubno kamida madaxda dawladda, maamulka dugsigan iyo marti-sharaftu, ayaa waxa ay ubucdoodu ahayd in ay xarunta Sahan buuxisay kaalin wax ku ool ah oo bulsho, loona baahan yahay in la garab istaago Dawlad iyo Shacab.

Xarunta sahan waxa la aasaasay wakhti toban sanno ka soo wareegtay, waxaana lagu bilaabay dhismeyaal kooban, haddase waxa ay degentahay Kaambool weyn oo ay ka dhisan yihiin dhismeyaal bilicsan, sida uu sheegay agaasimaha xaruntan Kayse Xasan Cumar oo ka hadlayey xaflada ay kula wareegeen Kaalmada ka soo gaadhay Dawladda.

Geesta kale, Maamuleyaasha Xaruntan, ayaa sheegay in lagu soo kordhiyey qaybo kale oo la xidhiidha barashada Diinta iyo duruusta maadiga ah, taasoo lagu xoojinayo xirfadaha aqooneed ee la baro dadka lagu hayo xarunta oo ah kuwa ay asiibaan xannuunnada dhimirku, isla markaana halkan loogu fidiyo Dabiib, daryeel, dhaqan-celin iyo waxbarasho.

Dhanka kale, Bashiir Maxamed Jaamac oo ah Maamulaha guud ee Cisbitaalka Sahan ayaa uga mahad-celiyey Wasaaradda shaqo-gelinta agabka iyo Xoollaha nool ee ay ku wareejisay, waxaanu sheegay in talaabo wanaagsan oo dhiirigelin ah ay u tahay maamulka iyo taageerayaasha xarunta.

Sanad walba tobanaan Qof oo dib ugu soo laabtay xayndaabka nololsha caadiga ah, xuskooduna taam noqday ayaa ka soo baxa xarunta sahan, waxaana hadalka Wasiirka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha bulshada ee ku wajahan xaruntani iftiiminayaa in ay wasaarad ahaan u aqoonsadeen mustawaha ay mudan tahay in lagu qiimeeyo ah  in ay noqoto xarun Qaran oo shacabka iyo dawladduba gacan ka geystaan sidii loo sii horumarin lahaa, iyadoo ay howshanina ku soo beegantay dhamadka todobaad uu somaliland ka socday Ololle ku saabsan xanuunka Dhimirka.

Olollahasi oo bilaabmay 10-kii bishan Oktoobar oo ku beegnayd xuska maalinta caalamiga ah ee xannuunka Dhimirka oo Magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagaga hadlayey sidii loo yarayn lahaa xannuunka dhimirka, loona ilaalin lahaa xuquuqda dadka uu asiibay xannuunkaasi ee daryeelka u baahan.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalkan

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories