HomeHargeysa: Xaflad Meher oo Kulmisay Hal-door badan iyo Shakhsiyaad Bulshada Dhexdeeda Miisaan...

Hargeysa: Xaflad Meher oo Kulmisay Hal-door badan iyo Shakhsiyaad Bulshada Dhexdeeda Miisaan ku leh (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-Waxa shalay magaalada Hargeysa ku qabsoontay xaflad Meher oo si weyn loo soo agaasimay, taas oo la isugu guuriyay Cawaale Maxamed Cismaan Iyo Nagaad Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Xafladda meherkaas oo ku qabsoontay hoteelka Maansoor ee Hargeysa, waxa si weyn u camiray qaybaha kala duwan ee hal-doorka bulshada reer Hargeysa amaba Somaliland, waxaana dadka ka qayb galay ka mid ahaa Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ah ruug-caddaa lagu tiriyo tiirarka dhidibada u taagay qaranimada Somaliland, Madaxweyne-xigeenkii labaad ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Culimo iyo madaxda warbaahinta Somaliland oo si weyn uga dhex muuqday madasha, maadaama oo uu gabadha la soo doonay dhalay Suxufiga Ruug-caddaaga ah ee Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo qoysaska reer Cabdi Gaboobe.

Arrinta ugu xiisaha badan ayaa ahayd markii ay koox ciyaaraha dhaqanka oo ka koobnayd afar Wiil ahi ay madashada meherkaasi ku qabsoomay mar keliya albaabka kala soo galeen ciyaar-dhaqameed, taas oo keentay in  dadkii madasha ku sugnaa Shanqadha joojiyaan oo ay isku baxdo sanqadha jaanta iyo jiibta heesaha, iyagoo kooxdani hor socday wakhtigii ay hoolka xafladdani ka dhacaysay ay soo galeen ehelka arooska. Kooxdaas oo haddana mar kale soo gelbiyay Caruuska iyo asxaabtiisii oo waxyar ka dambeeyay.

Waxaana markii ay munaasibaddii meherku dhammaaday halkaas la isku weydaarsaday hadallo kaftan u badnaa, iyadoo madax-dhaqameedka labada dhinac ka socday oo madashaas kaftan isku weydaarsaday ay labaduba qireen in guurkani yahay mid taariikhi ah oo soo nooleeyay dhaqan hore u jiray oo Soomaalidu guurkooda ku salayn jirtay, isla markaana in guurku noqdo mid labada ruux ee is-guursanayaa deegaano kala durugsan ka kala yimaadeen.

Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe), oo halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa Alle uga baryay qoyska cusub inuu isu barakeeyo, waxaanu Xaaji Cabdikariim ka sheekeeyay taariikhda Gaboobe oo Nagaad awoowgeed ahaa, kaas oo uu ku tilmaamay Oday isu soo dhawaynta ummadda iyo nabadeynta caan ku ahaa.

Waxa iyaguna halkaas hadallo kaftan iyo Duco ah ka jeediyay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xildhibaan Cali Gabiley, Prof. Maxamed Mixile Boqorre oo ah agaasimaha machadka CSI, Sheekh Aadan-Siiro, Chief-Caaqil Cabdirisaaq Caqli, Salaadiin iyo Bahda saxaafadda Somaliland oo iyaguna madasha joogay, waxaanay dadkani dhammaantood Alle ka baryeen inuu isu barakeeyo qoyskaas cusub.

Haddii aanu nahay Guud ahaan bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Bahda Shabakadda Somalilandpost, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Cawaale Maxamed Cismaan iyo Nagaad Yuusuf Cabdi Gaboobe.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories