HomeHargeysa: Xaddiga Maandooriye Khatar ah, lacag iyo Dadkii ka Ganacsayay oo Ciidamada...

Hargeysa: Xaddiga Maandooriye Khatar ah, lacag iyo Dadkii ka Ganacsayay oo Ciidamada Boolisku Gacanta ku dhigeen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Booliiska oo Maalmihii u dambeeyay kordhiyey Hawl-gallada ay amniga ku sugayaan, ayaa doraad gacanta ku dhigay Daawada loo yaqaanno ISBIIRTADA, taasi oo dadka qaar Maandooriye ahaan u Isticmaalaan.

Booliiska ayaa Gacanta ku dhigay 85 Litir oo Isbiirto ah iyo qayb ka mid ah Lacag Dadkii Isbiirtada ka Ganacsanayey ku iibiyeen, taasi oo iskugu jirta Shilinka Somaliland, Dollar iyo lacagta Itoobiya ee loo yaqaanno Birta, sida ay sheegeen Taliska Ciidammada Booliiska oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

maandooriyeTaliye ku-xigeenka Ciidammada Booliiska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ugu horreyn shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Hawl-galka Isbiirtadan lagu soo qabtay sidoo kalena lagu qab-qabtay dhallinyaro ka mid ah kuwa Daawadan Maandooriye ahaanta u isticmaala.

Taliye Fooxle oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Halkan waxa yaalla 81 Litir oo Maandooriyaha Isbiirtada ah iyo Caagado madhan oo ah kuwii loogu qayb-qaybinayey dhallinyarada dhaqanka laga beddelayey, Lacagtana waa tii lagu iibiyey wixii hore ee baxay (La iibsaday), dhammaan Lacagtaa iyo Daroogadaa waxa Gacanta ku soo dhigay Ciidanka Booliiska, gaar ahaan qaybta bariga, gaar ahaa Saldhigga Sheekh Nuur iyo Gacan-libaax, markaa Ciidankaa iyo Taliyeyaashaasi aad bay u Mahadsan yihiin..”

Afhayeenka Booliska Faysal Xiis Cilmi oo isaguna sii faahfaahiyey qabashada Isbiirtadan iyo Cadadka Lacagta lagu qabtay Dadkii ka Ganacsanayey ayaa yidhi “Booliisku wuxuu soo qabtay 85 Litir oo Isbiirto ah iyo 68 Caagadood oo madhan (kuwa Isbiirtada lagu shushubo), 8,380,000 shilin, 1100 Birta Itoobiya ah 302 dollar, Lacagtaasi oo ah tii ay ku iibiyeen Mukhaadaraadkan.”

Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay in Kiiskan loo qabtay 8 Qof oo qaarkood Dumar yihiin “Mukhaadaraadkan waxa loo soo xidhay illaa 8 Qof oo rag iyo Dumarba leh, waana kuwo Shaqo ka dhigtay oo caado ka dhigtay inay waxaa iibiyaan..”ayuu yidhi.

Isbiirtada oo ah Dawo Dhakhaatiirtu u isticmaalaan Nadiifinta Nabarrada la doonayo in la dhayo, ayaa Dadka qaarkoodna u isticmaalaan Maandooriye ahaan, waxaana habeenkii Xaafadaha Hargeysa qaarkood lagu arkaa dhallinyaro koox koox u wada socda oo sita Caagado ay ku jirto Dawada Isbiirtada oo ay Maandooriye ahaan u isticmaalaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories