HomeHargeysa: Xaafado kamid ah Degmada Kood-buur oo Salaadda Ciida loo asteeyey Goob...

Hargeysa: Xaafado kamid ah Degmada Kood-buur oo Salaadda Ciida loo asteeyey Goob Cusub

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Culimada, Odayaasha iyo Waxgaradka qaar kamid ah Xaafadaha Degmada Ibraahim Kood-buur ayaa Iclaamiyey goob loo asteeyey inay Bulshada ku dhaqan Xaafadaasi ku Tukan doonaan Maalinta Ciidda ee fooda inagu soo haysa Saalada.

 

Goobtan oo ah Fagaare ay ku tukan karaan Dad badan, isla markaana looga gol-leeyahay in Salaada Jamaca ee Ciida loogu mideeyo Dadweynaha degen Xaafadda Jigjiga yar qaybta Guul Alla 2, Gantaalaha, Magaalo Obsiiye, Sheedaha, ilaa Buurta kala jeexan, ayaa ah barxad ah laga qoondeeyey Wadadda 150-ka oo ka bilaabmaysa Afaafka xarunta Jaamacadda ADMAS ilaa halka ay ku dhamaadaan Basaska Jigjiga yar, sida uu sheegeen Xildhibaan Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar) oo kamida Golaha Deegaanka Hargeysa oo ay weheliyaan Culimada Masaajid ku yaalla Xaafadahaasi.

 

Xildhibaanka iyo Culimada ayaa sheegay in goobtani ay tahay meesha ugu haboon ee ay Dadweynaha Xaafadaha Jigjiga qaybta Waqooyiga iyo Galbeed kaga beegan Hudheelka Maansoor ku wada tukan karaan Salaadaha Jamaca ah, maadaama oo aanu jirin dhul kale oo banaan oo qaadi kara mujtamaca Xaafadahaasi ku nool.

 

Waxa ay sheegeen in halkaasi si ku meel-gaadh ah loogu oogi doono Salaadaha inta laga dhamaystirayo Garoon kubbaddeed oo laga samaynayo Xaafada Gantaalaha, waxaanay Dadweynaha ugu baaqeen inay sidaasi ula socdaan oo ay halkaasi kaga soo qaybgalaan Salaada Munaasibada Ciidal-fidriga.

 

Xaafadaha goobtan ku Tukan doona ayaa kala ah, Gantaalaha, Gaandhi, Obsiiye, Guul ah ilaa Istaanka Basasku ka soo laabtaan, sida ay sheegeen culimada iyo xubnaha kale ee arrintan iclaamiyey.

 

Dadweynaha Xaafadahan ayaa hore ugu Tukan jiray Dhul masaafo u jira oo ahaa Garoon ay leeyihiin Dad Ganacsato ah, halkaasoo iminka la dhisay.

 

https://www.youtube.com/watch?v=H-of6oaPdZA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories