HomeHargeysa: Xaafad laga hirgeliyey Waddadii u horeysay ee Laami ah ee ay...

Hargeysa: Xaafad laga hirgeliyey Waddadii u horeysay ee Laami ah ee ay yeelato oo Shahaado-sharaf Guddoonsiisay Maayarka Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wax-garadka, Haweenka, Dhalinyarada iyo Ciyaartoyga Xaafadda Goljano ee magaalada Hargeysa, ayaa maayarka Hargeysa guddoonsiiyey shahaado-sharaf ay ku maamuuseen wax-qabadkiisa iyo dhismaha waddadii ugu horreysay ee laami ah oo xaafaddaasi yeelato.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay meel barxad ah oo ka tirsan Xaafadda Goljano oo maayarka lagu guddoonsiiyey shahaado-sharafta, ayaa waxa ka qaybgallay odayaasha, dumarka, dhalinyaradda Xaafadda, xildhibaanadda golaha Deegaanka Hargeysa iyo xildhibaanno golaha Guurtidda ka tirsan.

shahaado siinta maayarkaUgu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Muj Saleebaan Xuseen Axmed (Sallo) oo ku hadlayey magaca guddiga xaafadda, waxaanu u mahad naqay maayarka oo uu sheegay inuu waddo aad u qiimo badan ka hirgaliyey xaafadoodda, waxaanu yidhi, “Saddex qodob ayaanka hadlaya waxqabadka maayarka, qodobka labaad in wadooyinkan kor iyo hoos u baxa noogu darto iy inay xaafaddu ilaashato wadadan oo biyaha ka ilaaliyaan, maayarku intii uu joogay wax badan uu caasimadda ka qabtay, waana maayarkii ugu horeeyey oo Goljano wadddo ka hirgaliyey.”

Oday Axmed-Raan oo ka mid ah odayaasha xaafadda oo isna halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Haddaanu xaafadda Goljano nahay waa maayarkii ugu horeeya ee carruurta iyo dumarka dhex fadhiista, Bile-Rafle mooye ma garanayo maayar umaddiisa dhex fadhiista, waa maayarkii kowaad ee intii Somaliland jirtay dadkiisa soo dhex fadhiistay, anagu ku amaani mayno ee waajibkaagii ayaad gudatay, xaqii aanu kugu lahayn ayaad gudatay, anagu waxaanu kuu ballanqaadaynaa in aanu cashuur bixiye noqono, in wixii nagu waajib ah yeelno,wixii awoodiina ahna waan idinka rabna in waddooyin kalana noo hirgalisaan.

maayarkaOday Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Wadadaasi intii maayar ee dalka soo martay in la sameeyo waa lagu dhici waayey, barta aynu fadhino horteeda maalin walba intaas oo islaamood ayaa ku jabi jiray, maanta orodka halkaasi laga soo qaado ayaa Cabaaye lagu tagayaa, Illaahay iyo xildhibaanadda iyo maayarka ayaanu ugu mahadnaqaynaa, waxaanu leeyahay dadka waddadaasi afar iyo labaatanka sanno lagu dhici waayey ee maanta uu inoo suurogaliyey maayarku waa inaynu u mahadnaqno.”

Xildhibaan Maxamed Sheekh oo ka mid ah golaha Guurtidda ayaa maayarka Hargeysa ku amaanay waxqabadka. Sidoo kale Malyuun Yuusuf Cadare oo afka haweenka xaafadda ku hadlaysay, ayaa iyaduna u mahad naqday maayarka, iyadoo xildhibaanada ku kacsana usoo jeedisay inay maayarka la shaqeeyaan.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo gunaanadkii munaasibadda ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyey dhalinyada iyo bulshada xaafaddaas shahaado-sharaf ay ku maamuuseen, waxaanu sheegay inay wadadaasi ku suurtogashay wada- shaqeynta shacabka iyo dawladda hoose, waxaau yidhi, “Dadweynaha reer Goljano aad baan uga mahad naqay, waxaana uga mahadnaqayaa subax hore oo aanu soo galnay oo boqol iyo dheeraad Deyr aanu duminay inay ugu dulqaateen sidii ay noola shaqeeyeen oo dayrarkoodii oo hanti badan ka gashay nala dumiyeen, taas oo aanu u samaynaynay in waddadan si fiican loo sameeyo, waddadan in la dhiso idinka ayey idinka suurtogashay, waana waddo muhiim u ah Goljano iyo magaaladaba. Inta badan xaafadaha cusub uun baa wadooyin loo sameeyaa ee waxa la ilaaway xaafadihii hore ee qadiimiga ahaa sida Goljano, Guryo-samo iyo Axmed Guray oo aanay hore waddooyin u lahayn, markaa waxaanu go’aan ku qaadanay in xaafadihii hore ee dadkii ugu horeeyey magaalada soo degeen degan yihiin ka bilowno horumarintooda oo wadooyinka u samayno. Wadadan waxay ka bilaabantay Akadamiga oo ku xidhmi doonta Boqol iyo Kontonka ee bariga magaalada, taas oo iyaduna la hirgalin doono waddooyin kale oo ka bilaabma Guryo-samo iyo Axmed Guray oo ku xidhmi doona waddada magaalada ku wareegaysa si Cidhiidhiga magaaladu uga yaraado,” ayuu yidhi Maayarku.

Maayarka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxa la odhan jiray Goljano waddo lagama samayn karo laakiin arrintaasi anagaa diidnay oo nidhi waa laga samayn karaa oo toban waddaa laga samayn karaa, waayo dadkeediina waa u diyaar wixii la dadaalaana waa laga samayn karaa. Markaa, idinkuna ka qaybqaata oo laba waddo oo gudub ah oo miisaaniyadda aanu ku darno waanu idin samaynayaa, idinkuna qaybtiina ka qaata.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories