HomeHargeysa: Wasiirkii hore ee Wershadaha oo soo bandhigay Sababta ka dambaysa Diidmada...

Hargeysa: Wasiirkii hore ee Wershadaha oo soo bandhigay Sababta ka dambaysa Diidmada Guddoomiye Cirro ee Xubnaha Komishanka Madaxweynuhu soo magacaabay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Wershadaha Somaliland, Shucayb Maxamed Muuse, ayaa soo bandhigay sababo uu ku sheegay inay salka ku hayaan go’aanka diidmada ah ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ka muujiyey laba xubnood ee madaxweyne Biixi u magacaabay Guddiga Doorashooyinka ee Cusub.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa cabasho ka muujiyey isla markaana ka biyo-diiday laba ka tirsan saddexda xubnood ee Madaxweyne Muuse Biixi u soo xulay Guddiga cusub ee Doorashooyinka, waxaanu xisbiga Waddani ku dooday inay xubnahaasi ka tirsan xisbiga Kulmiye. Waxaanu xisbigu arrintan kaga jawaabay Warqad uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), taas la gaadhsiiyey Golaha Wakiillada Somaliland oo xilligan ay horyaallaan todobada xubnood ee Guddiga Doorashooyinka si ay u ansixiyaan, waxaanu guddoomiyuhu warqaddaas ku dalbaday in la hakiyo xubinta xisbigoodu u soo magacaabay inta laga jawaabayo cabashadooda.

Haddaba, Wasiirkii hore ee Wershadaha Xukuumaddii madaxweyne Axmed-Siilaanyo, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu guddoomiyaha Waddani ku eedeeyey inuu marin-habaabiyey ujeeddada uu cabashadiisa ku muujiyey ee uu ku diiddan yahay labada xubnood, sababta rasmiga ahina tahay inuu Md Cabdiraxmaan Cirro ka soo horjeedo ama diiddan yahay haybta ay ka soo jeedaan labada xubnood oo midkood tahay Haweenay ka tirsan Guddiga Komishanka ee muddo-xileedkoodu dhammaaday oo madaxweynuhu dib u soo magacaabay.

Haddaba, Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Ex-Wasiir Shucayb ee arrintan iyo eedaymo uu u jeediyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories