HomeHargeysa: Wariye Mustafe Dheereeyo oo la guddoonsiiyey Shahaado sharaf iyo qadar lacag...

Hargeysa: Wariye Mustafe Dheereeyo oo la guddoonsiiyey Shahaado sharaf iyo qadar lacag ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa,05 March, 2012(SLpost)-Mustafe Maxamed Nuur (Dheereeye) oo ka mid ah Sawir qaadayaasha Telefishanka qarankaSomalilandoo ka mid ahaa weftiga reerSomalilandah oo qayb ka mid ah ciidamo maamulka Puntland ahi ku afduubeen duleedka degmada Taleex ee gobolka Sool sannadkii hore ayaa maanta lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf.

Wariye Mustafe Dheereeye oo ka mid ahaa shakhsiyaadka dirqida kaga badbaaday weerarka Maleeshiyaadka Puntland ku afduubeen masuuliyiin reerSomalilandah oo qaar ka mid ahi ku dhinteen rasaas faro badan oo ay ku rideen maleeshiyaadkaasi ayaa shahaadadan la guddoonsiiyay ahayd doorkii uu ku lahaa soo tabinta dhacdadaasi oo ahayd mid fool xun oo ay ku kaceen ciidamada Puntland.

Mustafe Maxamed Nuur (Dheereeye) oo hadda ciubitaalka guud ee magaaladda Hargeysa u jiifa dhaawac ka soo gaadhay shilbaabuur oo laba bilood ka hor ka dhacay Magaaladda Hargeysa ayaa shahaado sharaftan lagu maamusay lagu dhex guddoonsiiyay cusbitaalka guud.

Munaasibadii shahaado sharafta lagu siiyay ayaa waxa ka soo qayb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Faysal Cali Sheekh Maxamed, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ahaa weftiga ka badbaaday weerarka Puntland ku soo qaadeen masuuliyiintaasi reer Somaliland, isla-markaana ahaa masuulka uu wariyahani gaadhigiisa saarnaa wakhtiga weerarkani dhacay.

Munaasibadan oo sidoo kale ay goob-joog ka ahaayeen inta badan hawl-wadeenada Telefiishanka qaranka iyo xubnaha saxaafada madaxa-banaan ee Somaliland ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Faysal Cali Sheekh Maxamed waxaanu wax ka tilmaamay shakhsiyada Mustafe Dheereeye oo uu ku tilmaamay shakhsi hawlkar ah oo aad ugu dhaga nugul masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta“Runtii farxad weyn ayey noo tahay in aanu xaflad u qabano cusbitaal dhexdii oo waxaanu u dooranay duruufta uu ku jiro is aanu u muujino.”Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md Faysal Cali Sheekh

Agaasimuhu waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “Runtii mustafe waa nin aad iyo aad u karti badan muddadii aan joogay, ka hornaa aad iyo aad ayaanu isku naqanaynay oo waa nin dhego nugul oo marwalba oo ay howli timaado waliba runtii meelaha ad-adag ay tahay waa dadka aan u yeedho.Anigu wasaaradd ahaana runtii cidii ay dhibaato ku timaado la socodkeeda iyo wixii lala qaban karbaa, inkasta oo ay awoodeedu ay iska xadidantahay. Hadana intii lala qaban karo waa muhiim oo taa darteed ayaanu u garanay inkasto oo ay waxooga dib u dhacday waqtiga aanu qabanay, haddana waqtigaa ayaanu go’aansanay in aanu runtii shahaado gudoonsiino shahaado hawl karnimo.”

Faysal Cali Sheekh waxa kale oo uu sheegay in Mustafe Dheereeye uu isagu raaciyey weftiga la afduubay, isaga oo tilmaamay in markii uu shaqadaasi u dirayey uu ku qaabilay niyad-samaan isla-markaana uu markiiba raacay.

Agaasimuhu waxa uu xusay in Mustafe yahay Sawir qaade iyo Wariye inta badan loo diro meelaha halista ah, isaguna uu si kalsooni leh uu shaqadaasi u gutto isaga oo ixtiraamaya masuuliyada shaqada ka saran.

Saleebaan Cali Koore oo isaguna ka mid ahaa mudanayaasha golaha wakiilada, ahaana masuulkii waday gaadhiga ay ku badbaadeen, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Mustafe oo ahaa Wariye ka tagay Magaaladda Hargeysa, halka weerarku ka dhacayna ahayd meel Hargeysa u jirta mastaafo 750KM ah aan laga dareemayn cabsi, balse wakhtigaa uu isagu hagayey gaadhiga, taasina ay muujisay kalsoonida iyo hal-adeygnimadiisa “Waxaan marka horre ILAAHAY mahadi u celinaya aniga iyo Dheereeye oo madashan wada fadhignaa, inkasto uu dabadaayo soo gaadhay dhaawac. Runtii marka aan idhaahdo saxaafadda caalamka inyar ugu noqdo saxaafaddu waa qof markaste dhib badan la kulma, dhibaatooyin badan oo marka aad caalamka eegto waa qof markaste meel colaada ku jira.”Ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore

Xildhibaanku waxa uu hadalkiisii sii raaciyey“Haddan marka loo eego sida ay caalamka u horumarisay, waa meel lagu soo bandhigo waxyaabaha rasmiga ah ama runta ah.Si ay ummadu u noqoto ummad horumar hiigsanaysaa oo saxaafaddaSomalilandmaanta meel wanaagsan ayay maraysaa.”

Munaasibadan oo sidoo kale ay kalmado ka soo jeediyeen xubno ka mid ah warbaahinta madaxa-banaan iyo masuuliyiinta telefiishanka qaranka oo uu ka mid yahay Xuseen Cabdilaahi Deeqsi ayaa waxa isaguna kalmado kooban ka sheegay agaasimaha idaacadda Radio Hargeysa.

Ugu dambayn, waxa isaguna halkaasi kalmado Mahadnaq ah ka soo jeediyay Wariye Mustafe Maxamed Nuur (Dheereeye) oo halkaasi lagu guddoonsiiyay shahaado sharafta iyo qadar lacageed “Aad ayaan ugu faraxsannahay maamulkaygii ama masuuliyiintaydii ay halkan igula suganyihiin oo runtiina halkan amaan badan ka bixiyeen oo ay sidana iigu sharfaan shahaadadan iyo maamuskan quruxda badan.”

somalilandpost.net

Khadar Jaamac

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories