HomeHargeysa: Wadaad Xabsiga loogu taxaabay Taageero uu u muujiyey Xasuuq Koox Dabley...

Hargeysa: Wadaad Xabsiga loogu taxaabay Taageero uu u muujiyey Xasuuq Koox Dabley ahi ka fulisay Dalka Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

shmaxamuud_geelleHargeysa (SLpost)- Ciidamada Amaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa xalay Xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo abaaro Salaaddii Cishaa’i kadib laga qabtay Gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Jig-jiga yar ee degmadda Ibraahim Koodbuur oo uu wakhtigaas ku sugnaa.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn sababta xadhiggiisa wakhigan, hadana wararka laga helay xidhitaankiisa ayaa lagu sheegay inuu la xidhiidho hadalo uu todobaadkan Warbaahinta ka sii daayey oo uu ku taageeray Weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismihii xarun ganacsi oo ku taala Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo ay ku naf-waayeen dad tiradoodu gaadhayso 67 qof oo shacab iyo ciidamada Ammaanka isugu jiray.

Sidoo kale Maxamuud C/laahi Geelle ayaa waxa uu si adag u naqdiyey Xeerkii Horumarinta Wadooyinka ee Cashuurta ku kordhinayey Gaadiidka iyo Xoolaha ee ay dhawaan Golaha Wakiiladda Somaliland ay Ansixiyeen.

Xadhigan xalay xabsiga loogu taxaabay waddadkan ayaan noqonaynin kii ugu horeeyey balse xukuumadda Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadihii ka horeeyeyba ayaa iyagu sidan oo kale marar badan u xabsiga ugu taxaabay Sheekhan oo tan iyo wakhtigaas aan isagu marnaba la imanin wax tanaasul ah oo uu kaga noqonayo Mawqifkiisa, inta badana marka uu muddo xidhnaado la iska soo daayo.

Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo Saddexdii sano ee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo talada haysay tiroba dhawr jeer Xabsiga loo taxaabay iyada oo lagu eedaynayo inuu sharciga dalka ka hor yimi, isla markaana hadalo xagjirnimo ka muuqato Warbaahinta ka sii daynjiray, ayaa markii u horreysay bulshada Somaliland magaciisa ka wada-war heshay ka dib markii 11-kii Bishii December 2011-kii uu magaalad Hargeysa kaga dhawaaqiyey Urur Diimeed, wakhtigaas oo ay dalka ka samaysmayeen urur-siyaasadeedyadii ka qayb-qaatay doorashadii goleyaasha deegaanka ee dabayaaqadii sannadkii 2012-dii ka dhacday dalka.

SOMALILANDPOS.INFO

contact@somalilandpos..net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories