HomeHargeysa: Wadaad Xabsiga loo dhigay Geerida Gabadh Bukaan ahayd oo uu Daawaynteeda...

Hargeysa: Wadaad Xabsiga loo dhigay Geerida Gabadh Bukaan ahayd oo uu Daawaynteeda koronto (Laydh-tiriig) u adeegsaday

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Ammaanka Saldhigga Booliiska Degmada Kood-buur ee magaalada Hargeysa, ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen oo la sheegay inuu daaweynta bukaanka u istcimaalo Korontada iyo Qur’aanka, ka dib markii lagu eedeeyey geerida Marxuumad la sheegay inay gacantiisa ku dhimatay oo Meydkeedu yaallo Cusbitaalka guud ee Hargeysa.

sssNinkan lagu magacaabo Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen ayaa la sheegay in si uu u daweeyo uu muddo ugu iman jiray guriga qoyska Allaah ha u naxariistee Ugbaad Axmed Ismaaciil, balse nasiib-darro ay gacantiisa ku geeriyootay shalay, ka dib markii uu u adeegsaday Laydh ama koronto la sheegay inuu madaxa kaga dhejiyey, sidaasna ay ku nafwayday, sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa iyo Ehelada Marxuumadda geeriyootay.

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gurigii uu dadka ku dawayn jiray ka baxsaday markii ay Gabadhaasi geeriyootay sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen ehelada Marxuumaddu, hase yeeshee, Ciidammada Ammaanka Saldhigga Booliska degmada Kood-buur ee magaalada Hargeysa, ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaas iyagoo ka soo qabtay guri kale oo la sheegay inuu dhuumasho ahaan u joogay.

Dad goob-joog ahaa iyo Ehelada Marxuumadda Dhimatay, ayaa Wargeyska Himilo uga warramay siday wax u dhaceen, ayaa sheegay in ninkan la yidhaahdo Sheekh Cabdiraxmaan ay dadku dawo-doonasho ugu tegi jiraan, isla markaana markii ay Ciidammadu ka soo qabteen guri ku yaalla isla magaalada Hargeysa ah, ka dib markii uu ka baxsaday guriga uu wax ku dawayn jiray markii ay gabadhaas oo uu ugu tegi jiray gurigooda si uu u soo daweeyo ay ku geeriyootay laydhka uu ku dhejiyey. Waxaanay eheladu intaas ku dareen in ninkaasi Ciidanka uu u caddeeyey inuu u adeegsaday daaweynta Marxuumada aalladda Korontada, dabka ama laydhka.

Marxuumada Ugbaad Axmed oo maydkeeda la keenay Cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa goob-joogayaashu Himilo u sheegeen inay Hooyadeed muddo bil ah ugu keeni jirtay ninkaa aqalkooda oo ay ku geeryootay, balse shalay intuu ku qabtay aaladdii korontada qiyaas sarreysa sida Hooyadeed sheegtay, uu dibedda u soo saaray, kuna yidhi; Hooyadeed; “Way yara suuxday”. Ka dibna ka baxay aqalkii. “Markii uu arkay inay inantu ku geeriyootay gacantiisa, intuu dibedda qolka uga soo saaray ayuu inanta Hooyadeed ku yidhi; ‘way yara suuxsan tahay’ oo uu baxsaday.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka la kulmay Gabadha geeriyootay Hooyadeed oo xubin ka ahaa goob-joogayaal Wargeyska Himilo u warramay xalay.

Qabashada ninkan ayaa la sheegay inay ku timi, ka dib markii Hooyada dhashay Marxuumaddu u qeyblo-dirsatay Ehelkeedeeda, isla markaana Ciidanka ammaanka lagu wargeliyey, oo muddo ka dib baadhayaal  wax weydiinayey Ehelkii Marxuumadda lagu wargeliyey in ninkii Wadaadka ahaa joogo aqal kale, halkaana laga soo kaxeeyey oo lagu soo xidhay Saldhigga Booliska degmada Kood-buur ee magaalada Hargeysa.

Goob-joogayaasha Wargeyska Himilo la xidhiidhay ayaa sheegay in Ninkani muddo hore maalmo loogu xidhay tuhunka geeri ku timi Xaas uu qabi jiray, balse la sheegay in lagu soo daayey ka dib markii Dhakhaatiirtii baadhay Marxuumadda uu qabi jiray caddeyn kari waayeen sababta geerideeda keentay, isla markaana Ciidanka Booliisku dhaariyeen Ninkaa, ka dibna ay sii daayeen.

Si kastaba ha ahaatee, ka hortagga dhibaatooyin laga dhaxlo iyo joojinteeda dad kala duwan oo ganacsi iyo inay dhaqaale ka helaan u samaystay xarumo ay ku daweeyaan Xannuunada ayey tahay waajib saaran Xukuumadda Somaliland oo ay hawlaha Caafimaadka la xidhiidha Masuul uga yihiin Wasaaradda Caafimaadka iyo Ururka Mihnadleyaasha Caafimaadka.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories