HomeHargeysa: Wacdarihii Degmada Gacan Libaax Ee Xuska 18 May

Hargeysa: Wacdarihii Degmada Gacan Libaax Ee Xuska 18 May

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)  Arbacadii Shalay, waxa guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka dalka laga xusay 31 guurada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo sannad walba la qabto 18-ka bisha May.

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, oo ah halka Xafladda ugu weyni ka dhacday, ayaa waxa door laxaadle ka qaatay Dabbaal-deggaasi Degmada Gacan Libaax oo ka mid ah Degmooyinka Caasimadda Hargeysa.

Maamulka Degmada Gacan Libaax oo gacan ka helaya Dadka degmadaasi, ayaa Fagaarihii weynaa ee lagu qabtay Xuska 18 May ee 31 guurada Madax-banaanida Somaliland, waxay ku soo bandhigeen doorkooda xuska 18 May, waxaana Fagaaraha si weyn u qabsaday Haween matalayey Degmada Gacan Libaax, kuwaasi oo ku lebisnaa dharka Hidda iyo dhaqanka Somaliland, iyo dhar ka samaysan Calanka saddexda Midab ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo soo jiidatay guud ahaan Dadkii fadhiyey Madasha uu ka dhacay Xuska 18 May, 2022.

Waxa kale oo Xusid mudan in Dadka Degmada Gacan Libaax ku matalayey Fagaaraha uu ka dhacay xuska 18 May ay halkaa ku soo bandhigeen Libaax rabbaysan, kaasi oo lagu siday Shabag loogu Talo-galay, arrintaasi oo soo jiidatay guud ahaan Dadkii joogay Fagaaraha, sida Madaxda Qaranka, Warbaahinta iyo Dadkii Xafladda kala socday Warbaahinta.

Waxa kale oo aad Dadka u soo jiitay Hooyooyin qaarkood Kaariyoone ku riixayeen Haanta lagu lu’lo Caanaha, taasi oo dusha ka saartay ama ugu lebistay Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo muujisay in aan Dadweynaha Degmada Gacan Libaax u kala hadhin inay muujiyaan doorkooda xuska 18-ka May, maaddaama oo ay degmooyinka Caasimadda Hargeysa iyo kuwo kale ee dalku ku tartamayeen sida ay uga qayb-qaadanayaan Xuska 18-ka May ee ku beegan 31 Guurada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Gacan Libaax oo ka mid ah Degmooyinka ugu da’da weyn Degmooyinka Hargeysa, ayaa Dadweynaha ku nool iyo Maamulkeeda Dawladda Hoose lagu bogaadiyey sida ay uga qayb-qaateen xuska 18-ka May.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories