HomeHargeysa: Ujeeddada Kulan Dhexmaray Wasiirro ka socday DDSI iyo Ganacsato reer Somailand...

Hargeysa: Ujeeddada Kulan Dhexmaray Wasiirro ka socday DDSI iyo Ganacsato reer Somailand ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirro ka socda dowladda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo safar ku jooga magaalada Hargeysa, ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Ganacsatada Somaliland qaarkood.

Kulanka labada dhinac waxa dhinaca Somaliland uga qayb-galay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Wasiirka Maalgashiga, Maayir ku-xigeenka caasimadda iyo qaar ka mid ah Ganacstada waaweyn ee Somaliland. Halkan dhinaca kale ay uga qayb-galeen Wasiirka Maalgashiga, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Guddoomiyaha rugta ganacsiga dawlad deegaanka, iyo Maayarka degmada Wajaale ee dhanka Itoobiya.

blankGuddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid ayaa sheegay in masuuliyiintu ay ka wada hadleen danaha labada dal, waxa uu sheegay inay masuuliyiinta dawlad deegaanku u yimaadeen inay Itoobiya ku marti qaadaan Ganacsatada reer Somaliland iyadoo arrintaasi ay ka aqbaleen. Islamarkaa lays waydaarsan doono Maalgashiga labada dhinac.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa soo dhaweeyay wasiirada dawlad deegaanka waxanu uga mahad celiyay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, Wasiir Cawad waxa uu sheegay in Ganacstada Somaliland ay ku dhiiri galinayaan dhanka Maalgashiga, madaama dawlad deegaanka Itoobiya iyo Somaliland ay ka dhexeeyaan wax badani.

Wasiirka Maalgashiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdisalaan Yuusuf ayaa dhinaciisa sheegay in socdaalkoodu ku wajahnaa sidii Ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ay u maalgashan lahaayeen dawlad deegaanka, waxaanu sheegay inay shir dambe ku qaban doonaan magaalada Jigjiga dabayaaqada bishan January oo lagu marti-qaadi doono ganacsatada Somaliland isla markaana usoo bandhigi doonaan fursadaha Maalgashi ee dawlad-deegaanka ka bannaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories