HomeHargeysa: Tabobar loo soo xidhay 50 Dhalinyaro Ah Oo Fursad Maalgelin Ganacsi...

Hargeysa: Tabobar loo soo xidhay 50 Dhalinyaro Ah Oo Fursad Maalgelin Ganacsi ka helay Daladda NAGAAD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)- Sabtidii shalay waxa la soo gabo gabeeyey barnaamij muddo afar cisho ah ka socday Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, barnaamijkaasi oo ku sabsanaa maalgalin la siinayo 50 dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, maalgalintaasi oo shaqo abuur loogu samaynayo.

blankMunaasibada lagu soo xidhayey barnaamijka waxa ka qayb galay masuuliyiinta dallada haweenka ee NAGAAD iyo  masuuliyiin ka socday Hay’adda UNICEF iyo madax ka socotay shirkadaha dhinaca maalgalinta iyo dhalinyarada la maalgalinayo.

Agaasimaha fulinta ee dallada haweenka ee NAGAAD Nafiisa Yuusuf Maxamed oo munaasibadaasi ka hadashay, waxaanay ka warantay maaligalinta loo samaynayo dhalinyarada ku guulaysatay barnaamijkan maalgalineed.

Agaasimaha ayaa khudbada ay madasha ka jeedisay waxa ay ku tidhi “Dhalinyarada waxa aan leeyahay dhammaantiin waad wada guulaysateen intiinii halkaasi ku soo bandhigtay aniga midba mid ayuu igala sii qurux badnaa marba ka iigu sii dambeeya ayaa kii hore igala fiicnaa, laakiin waxa aynu ka eegaynay oo muhiimada koowaad la saarayey saameynta bulsho ee uu samaynayo, markaa sadexdana waxa ay noqdeen kuwii marka laga eego qoladii tababarka idiin samaynaysay ay ka dhigeen sida ay saameyn bulsho u samaynayeen, intaasi ayuunbaanay kuwani idiinkaga horeeyeen, laakiin dhammaantiin waad wada guulaysateen waana aynu guulaysanay sida ay xarumahaasi dhaqaale idiin balan qaadeena anaguna xafiisyadooda waanu kula soo kulanay waa hawl idiin soconaysa.”

Iyada oo hadalkeeda sii wadatay, waxa ay tidhi, “Waa wax bilaabmay oo waliba kuwa idinka dambeeyana aan rajaynayno inaad tusaale u sii tihiin oo ay idin soo hiigsan doonaan oo maanta dad badan ayaa warbaahinta idinka daawan doona, arki doonana waxa quruxbadan ee aad soo bandhigteen, lacagta, fikirka iyo wax walibana gacanteena ayuu ku jiraa, kuwii beeraha ayeynu arkaynay, kuwii wax soo saarka gudaha ayeynu arkaynay oo dhammaan mid la reebo maa ay lahayn fikradihii halkaasi lagu soo bandhigay, laakiin waa ay isdaba socdaan oo ha niyad jabina, waxaananu doonaynaa arinkaasi sida aynu u wada bilawnay inaynu u wada wadno inaga ayaana isku soo hadhayna Insha Allah, guul ayaanan idiin rajaynayaa dhammaantiin”.

blankMadaxa Hay’adda UNICEF ay ku leedahay magaalada Hargeysa Yaxye Balima oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey maalgalintan iyo hal-abuurka ay la yimaadeen dhalinyaradu, sidoo kale Hay’adda DOT oo ah hay’adda tababaraysay dhalinyarada ayaa masuul u hadlay soo dhaweeyey barnaamijkan.

Xuseen Xasan oo ka mid ah Masuuliyiinta Premier Bank iyo Hoodo Bacaluul oo ka tirsan shirkadda Dahabshiil Group  oo iyagna halkaasi ka hadlay ayaa ka warameen doorka ay ku leeyihiin maalgalinaha la siiyo dhalinyarada.

“Waxa aanu furunahay oo shaqadayadu tahay kobcinta iyo maalgalinta ganacsatada yar yar” ayey tidhi Hoodo Bacaluul oo ka socotay shirkada Dahabshiil Group.

Xuseen Xasan Xuseen oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Premier Bank oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Sanad kasta waxaanu samaynaa inaanu tartan galino hal-abuurada dalka, gaar ahaan dhalinyarta jaamacadaha, taasi oo aanu u maalgalino firkadaha ay la yimaadaan taasi oo aanu ku tartansiino kooxdii ku guulaysana waxaanu siinaa lacag aan dulsaar lahayn, iskana soo celin karo”.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories