HomeHargeysa: Tababar dacwadaha doorashooyinka ku saabsan oo loo furay guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha...

Hargeysa: Tababar dacwadaha doorashooyinka ku saabsan oo loo furay guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha Maxkamadaha dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay weheliyaan garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare, Sharmaake Yuusuf Faarax agaasimaha Maxkamadaha guur-guura iyo madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim, ayaa maanta shir-hawleed ay ka soo qayb galeen 25 xubnood oo iskugu jira guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka, Maxkamadaha gobolada, maxkamadaha gobol-degmooyinka iyo garsoorayaasha Maxkamadaha gobolada kala duwan ee dalka uga furay magaalada Hargeysa.

blankShir-hawleedka oo ay ujaadadiisu ahayd sidii loogu diyaar garoobi lahaa dacwadaha ka iman kara doorashooyinka dalka ku soo fool leh ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada, ayaa ugu horayn waxa warbixin kooban xubnaha ka soo qayb galay tababarka ka siiyay, garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur, waxaanu sheegay in labada cisho ee uu tababarku socdo ay xubnaha ka soo qayb galay kaga doodi doonaan xeerka doorashooyinka gaar ahaan qodobada la xidhiidha dacwadaha ka yimaada doorashada iyo sidii maxkamaduhu faham buuxa uga qaadan lahaayeen dacwadaha ka yimaada doorashooyinka oo ka xasaasi san dacwadaha kale, wakhti ahaana ka kooban iyo dambiyada ka dhasha doorashada dhexdeeda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali oo tababarka daah-furay ayaa tibaaxay baaxadda ay leedahay doorashada dalka ku soo fool-leh, waxaanu guddoomiyayaasha heerarka kala duwan ee Maxkamadaha iyo garsoorayaashaba ugu baaqay in haddii dacwadahaasi la xidhiidha doorashooyinku ay soo gaadhaan, ay ku dedaalaan cadaaladda oo ay qaadaan sida ay u arkaan cadaalad, kuna dhakhsadaan go’aamada ay ka soo saarayaan dacwadaha, si hufnaanta iyo deg-degsiimuhu u wanaagsanaado.

blankWaxaanu xusay in komishanka doorashooyinku si fiican shaqadooda u wato, hase ahaatee wixii cabashooyin ah ee soo dhaafa ee maxkamadaha soo gaadha in ay u sii diyaar garoobaan sidii ay ugu garnaqi lahaayeen. Waxaanu kula dardaarmay in ay dareensanaadaan culayska iyo miisaanka ay wataan dacwadaha iyo cabashooyinka doorashooyinku, isaga oo hoosta ka xariiqay in maxkamadaha gobolada iyo gobol-degmooyinka laga rabo masuuliyad dheeraada, dedaal dheeraada iyo dhex-dhexaadnimo dheeraad ah. Waxaanu uga digay in dhinacyada iskula imanaya iska ilaaliyaan, si aan jidka saxda ah looga baydhin, wadajirka iyo isku duubnida dalkana loo ilaaliyo.

blankGeesta kale waxa uu guddoomiyuhu xisbiyada iyo murashaxiinta u soo jeediyay in ay ku loolamaan aaraa’da iyo waxqabadka ay dalka ku soo kordhinayaan. Marka ay is dhalliilayaana ay isku dhalliilaan waxa innaga qaloocsamay halka uu ugu baaqay in aan lagu habsaamin shakhsi-weerar, is cay iyo arrimo aan waxba soo kordhinayn. Waxaanu ku bogaadiyay habsamida iyo biseylka siyaasadeed ee ilaa hadda ay muujiyeen axsaabta iyo murashaxiintu.

Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyay fahamka ay ka haystaan dawladnimadooda, wadajirkoodu iyo nabad-galyadoodu in ay waxkasta ka horeeyaan, waxaanu ku booriyay in ay ilaaliyaan xiligan doorashada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories