HomeHARGEYSA: Taageerayaasha Musharrax Cabdiraxmaan-Soltelco oo Wacdaro ka Dhigay Garoomada Caasimadda Hargeysa

HARGEYSA: Taageerayaasha Musharrax Cabdiraxmaan-Soltelco oo Wacdaro ka Dhigay Garoomada Caasimadda Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Taageerayaasha Musharrax Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-Soltelco) oo Kamid ah Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE ee doorashada Golaha Deegaanka ka tartamaya Caasimadda Hargeysa  ayaa shalay isugu soo baxay fagaarayaasha degmooyinka Caasimadda Hargeysa, iyagoo dhoolatus ku muujiyey Cududdooda taageero ee ay u hayaan Musharraxan. Dhoolatuskan oo qayb ka ahaa isu soo baxa maalinta labaad ee xisbiga KULMIYE u lahaa Ololaha Doorashada Wareegiisii labaad waxa ay isu soo baxyo kusoo bandhigeen Fagaarayaasha Garoomadda  Kubadda Cagta ee Xawaadle, Biyo-dhacay, Dhalinta Kacaanka  ee dagmooyinka 26-ka June iyo Ibraahin Koodbuur, waxa kale oo ay isugu yimaadeen Xafiisyadda Musharrax Soltelco uu ku leeyahay Caasimadda Hargeysa gaar ahaan Idaacadda, Deegaanka Sheekh Cumar, kuwaas oo dhammaantood uu Musharraxu Mid mid  ugala qayb galay isu soo baxa taageerayaashiisa, isla markaana khudbado uga jeediyey uu ku sharraxayo Ujeedooyinka uu isu soo sharraxay iyo Barnaamijkiisa siyaasadeed ee uga qorshaysan Waxyaabaha uu u qaban doono bulshada reer Hargeysa gaar ahaan degmooyinka uu ka sharraxan yahay.

blank
Murashaxa iyo taageerayaashisa

Musharrax Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (solteclo) oo Boqolaal kamid ah taageerayaashiisa kula hadlay Garoonka dugsiga hoose dhexe ee Biyo dhacay-ga Hoose waxa uu faahfaahin ka bixiyey

 Adeegyadda aasaasiga ah ee uu ugu talo galay in uu u qabto bulshada xaafaddaas oo uu sheegay in ay wax badan tabanayaan isla markaana Dawladda Hoose ee haatan hagratay “Xaafadani waa xaafadaydii oo waa taan ku koray, adeegyadeedana waxba lagama qaban, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan wax idiin qabto”sidaa ayuu idhi Musharrax Cabdiraxmaan, waxanu intaa ku daray “walaalayaal maalinta doorashada u dhabar adayga oo ii soo baxa aniguna waxaan samayn doonaa laba kun oo maalmood oo aan idiin shaqayn doono, waqtigaygana idiinku tabarruci doonaa”. “Maxaan u soo doontay ee aan doorashada isu soo taagay inay dad badani is weydiinayaan baa laga yaabaa. Aniguna waxaan leeyahay markaan arkay Caasimadaydii oo dayacan ayaan goostay inaan wax u qabto oo igu dhaliyay inaan isa soo sharraxo. Mida kale Dawladda Dhexe iyo dadweynuhu isma soo gaadhaan, maalin walba qofka noloshiisa waxa taabataa waa Dawladda hoose, marka laga soo bilaabo aqalka aad ku nooshahay, halka aad adeega cuntada ka soo iibsanayso iyo nadaafadda deegaankaaga, taasna waxaan aaminsanahay inay tahay siyaasadayda aan ka leeyahay doorashada. Hankayguna maaha oo keliya inaan doorashada kusoobaxo oo aan xildhibaan noqdo, hase yeeshee waxa weeye inaan Maayarka Caasimadda noqdo, oo haddii alle igu guulleeyo aniga iyo Saaxiibadayda kale ee soo baxaya igu taageeraan Maayarnimadayda. Waxa kale oo dadku is weydiinayaan tolow Cabdiraxmaan Ma hanti buu soo doontay mise magac buu soo doontay, laakiin runta haddaan idiin sheego waxaan u imid doorashada inaan caasimadda Hagaajiyo, Sidaas darteed waxaan idinka codsanayaa inaad I taageertaan oo aanad maalinta doorashada seexanin ee soo baxa iina codeeya.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Musharrax Cabdiraxmaan Soltelco oo taageerayaashii kala hadlay garoonka kubadda cagta ee dugsiga hoose dhexe ee biyo-dhacayga Hoose.

blank
Murashax SOLTELCO

Intaa ka dib waxa musharraxu xadhiga ka jaray xafiis Cusub oo uu taageerayaashiisa uga Furay Xaafadda Idaacadda ee degmadda 26-ka June, isaga oo halkaana khudbad ku wajahan doorashada iyo qorshaha uga meel yaal waxqabadkiisa uga jeediyey  taageerayaashii madasha ku sugnaa.

Musharrax Cabdiraxmaan Soltelco, waxa kale oo uu ka qayb galay Isu soobax kale oo taageerayaashiisu isugu yimaadeen garoonka kubadda Cagta ee Dhalinta Kacaanka ee magaaladda Hargeysa, sidoo kale waxa uu Booqday Xafiiska Taageerayaashiisa ee  deegaanka Sheekh Cumar halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey isla markaana uu bulshadda Xaafadaas uga Warramay waxqabadka uu ugu talo galay in haddii uu doorashada ku soo baxo uu ka fuliyo deegaankaas oo uuqiray in baahiyo badan oo aasaasi ahi ka muuqdaan isla markaana marar badan la lunsaday deeqo iyo mashaariic loogu talo galay xaafadaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories