Home"Hargeysa Stadium waa Hanti qaran, Mana Jirto cid horjoogsan karta tartanka Ciyaaraha...

“Hargeysa Stadium waa Hanti qaran, Mana Jirto cid horjoogsan karta tartanka Ciyaaraha Goboladda”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Hargeysa (SLpost) – Suldaan Xuseen  Cabdi X. Cabdilaahi oo ka mid ah madaxdhaqameedka magaaladda Hargeysa,  ayaa sheegay in garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium uu yahay hanti qaran oo mulkiyadiisa ay leedahay dawladda Somaliland.
Waxa kale oo uu Suldaanku sheegay in aanay jirin cid is-hortaagi karta in tartanka ciyaaraha gobollada  ee 15-ka bishan ka furmi doona garoonka Hargeysa Stadium,  waxaanu u soo jeediyay shakhsiyaad uu tilmaamay inay soo abaabuleen  haween iyo dhallinyaro  sheegay in aan tartankaasi lagu qaban karin garoonka Hargeysa Stadium. “Waxaan leeyahay raga soo diraya ee soo abaabulay haweenkii  xalay (habeen hore) ka caytamayay saxaafada isla markaana canbaaraynayay qaar ka mid ah madaxdhaqameedka iyo Salaadiinta beesha degan Degmada Axmed Dhagax.
Waxaan qabaa in aflagaadadii ay haweenku noo jeediyeen aanay ahayn wax na qabta, waxaan leeyahay raga haweenka  soo abaabulay idinku dibeda u soo baxa oo is-cadeeya, anagu  waanu ku khasbanahay in aanu xukuumada iyo madaxtooyada kala shaqayno ilaalinta nabadgalyada oo ah hantida ugu qaalisan ee qaran ahaan aynu haysano, mar walbana waanu tagaynaa madaxtooyada iyo xafiisyada dawladaba,” ayuu yidhi  Suldaan Xuseen oo caawa u warmayay qaar ka mid ah warbaahinta.
Suldaanku  waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan  in tartanka ciyaaraha Gobolada  uu ka qabsoomo garoonka Hargeysa Stadium, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “dad kale garoonka Hargeysa Stadium  tartan laguma qaban karo waa dad leh Somaliland ma jirto, dawlada iyo qarankuna taas kama yeelayo,  raga haweenka soo abaabulayana waxaan leeyahay idinku soo badheedha oo is-cadeeya.”
Suldaan Xuseen oo hadalkiisa sii watana wuxuu  yidhi “ sidoo kale dadka leh Degmada Axmed Dhagax cashuur lagama qaadi karo, oo dawladi ma iman karto, iyana way iska hadleen, Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Caasimaduna waxay cashuuraha uga guranayaan degmada Axmed Dhagax sidii ay cashuurta uga qaadi jireen Maayarkii iyo Maayar ku xigeenkii hore.”
 “Ururka Xaqsoor iyo reernimadu waa laba kala duwan, ururkaana waxaa hogaan u ah nin mudakar ah oo  dalka iyo dadkuba xushmada u  hayaan, waxaan u soo jeedinayaa dadka  fowdada  wada in aanay sumcadda ka dilin mujaahid Xasan Ciise Jaamac,” ayuu yidhi Suldaan Xuseen.
Sidoo kale, wakiilka Boqorka Beesha Muuse Abokor, Cabdi Haybe Khayre ayaa isaguna si adag u naqdiyay hadalkii ka soo yeedhay xubno ka mid ah haweenka ururka Xaqsoor, oo uu tilmaamay in ay u hadleen si caadifad leh oo bulshada Degmada Axmed Dhagaxna dheg-xumo u soo jiidaysa.
SOMALILANDPOST.NET
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories