HomeHargeysa: Soo-dhaweyn aan loo kala hadhin oo lagu qaabilbay Ustaad Maxamed Siciid...

Hargeysa: Soo-dhaweyn aan loo kala hadhin oo lagu qaabilbay Ustaad Maxamed Siciid BK iyo Weedhihii uu kaga falceliyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxa maanta gelinkii dambe si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Fannaanka Caanka ah ee Maxamed Siciid BK oo in muddo ah socdaal ugu maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Ustaad Maxamed Siciid BK, ayaa ujeeddada socdaalka uu ku tagay dalka Kenya ahayd sidii uu halkaas ugu qaban lahaa bandhig-faneed uu kula kulmo taageerayaashiisa Fanka, haseyeeshee tiraba dhowr jeer ayuu ka baaqday bandhig-faneedkaas, iyadoo siyaabo kala duwan lagu micneeyey sababta keentay baaqashadiisa, iyadoo markii u dambaysay ciidamada Ammaanka ee magaalada Nairobi ku wargeliyeen fannaanka in bandhig-faneedkaas loo baajiyey sababo amni, iyadoo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqanka magaalada Nairobi intooda badan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkaasi Soomaaliya ay sida la sheegay ku hanjabeen waxyeello ay u geystaan fannaanka.

 

Haddaba, waxa fannaanka markii uu maanta soo gaadhay gegida diyaaraha ku qaabilay masuuliyiin ka socota xukuumadda, Fannaaniin iyo dadweyne tiro badan oo ku lebbisan Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu fannaanku hadal uu ka jeediyey barxadda hore ee madaarka ugu mahad-naqay dadka ka qayb-qaatay soo-dhaweyntiisa.

 

Fannaan Maxamed Siciid BK, ayaa markii markii dambe loo gelbiyey garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Hargeysa oo ay ku sugnaayeen Boqolaal shacabka reer Hargeysa ah oo ku dhawaaqayey Magaciisa.

 

Muuqaalka Hoose Kaga Bogo baaxadda Soo-dhaweynta lagu qaabilay Maxamed Siciid iyo Weedhihii uu ka yidhi soo-dhaweyntiisa iyo Baaqashada Showga uu ka dhigi lahaa magaalada Nairobi.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories