HomeHARGEYSA: SONSAF oo Qabatay Kullan lagaga Hadlayey Doorka Tayaynta Doorashada ee Urrurada...

HARGEYSA: SONSAF oo Qabatay Kullan lagaga Hadlayey Doorka Tayaynta Doorashada ee Urrurada Bulshada

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Hargeysa(SLpost):- Kullan ay soo qabanqaabisay dalladda jilayaasha/urrurada aan dawliga ahayn ee SONSAF oo ku aadan doorka Kormeerka doorashada ee Ururada bulshada iyo arrimaha doorashada ayay ka qayb galeen hogaanka daladda SONSAF iyo ururada hoos yimaada, komishanka doorashooyinka qaranka xisbiyada qaranka iyo wakiillo beesha caalamka ka mid ah.

Kullankan oo laga hadlayey sidii guud ahaan loo tayayn lahaa loona saxar tiri lahaa doorashada innagu soo fool leh ee sannadka 2017ka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay doorka ay urrurada bulshadu ka qaybqaadan karaan kormeerka doorashada iyo habsamaanteeda.

Gudoomiyaha ururka jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF Mustafe Sacad Dhinbiil oo ka hadlay furitaanka kulankan ayaa ka waramay  warbixin ay ka soo saareen doorashooyinkii dawladaha hoose ee ka qabsoomay somaliland waxaanu yidhi “warbixintii aanu ka soo saarnay doorashadii 2012 waxa uu ahaa buug meel walba lagu qaybiyey, maalintii aanu daah furaynay waxaanu ku furnay magaalada Nairobi  oo ay joogaan inta badan dhamaan qolyaha inaga caawiya doorashooyinka, mar labaadna waxaanu ku furnay magaalada Hargeysa, in ka badan 2000 buug ayaa la daabacay ilaa imikana wufuud kasta oo caalami ah oo yimaada waa la siiyaa, waxaaannay noqotay warbixin dhex dhexaad ah oo ururrada bulshadu ku daba galeen nidaamka doorashada.”

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka, Eng Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa kulanka ka sheegay inay Komishan ahaan diyaariyeen xeerar kasta oo tilmaamaya wada shaqaynta dhinacyada doorashadu khusayso “ Doorashooyinku waa shaqo aad u balaadhan. Waa shaqo u baahan inaynu gacmaha is wada qabsanno. Waa shaqo u baahan taxadarkeeda, aqoonteeda iyo wada jirkeeda iyo in la ilaaliyo xeer-nidaamiyeyaasha ay leedahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir oo sheegay inay jiraan xeerar Somaliland leedahay balse ku dhaqankeeda iyo barashadooda su’aali ka taagan tahay, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin la shaqaynta hay’ad kasta oo arrimaha doorashada gacan ka gaysanaysa.

 

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyey ururada bulshada ee ka qayb galaya ilaalinta hawlaha doorashada waxaanu yidhi “Kulankan ujeedadiisu ay tahay sidii ay gogol xaadh  ugu noqon lahayd,  diyaar garawna ugu noqon lahayd, masuuliyadooda loo tilmaami lahaa ururada bulshadu sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen ka qayb galka iyo ilaalinta doorashoyinka soo socda, waanu soo dhawaynaynaa.”

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulankan ayaa dhinaciisa sheegay inay muhiim tahay in dadka masuuliyiinta ahi ay dhawraan wixii lagu heshiiyo waxaanu yidhi “Bahasha haddii aynaan dadkeena mudakarka ah ee masuuliyiinta ahi aynaan  ilaalin wixii ay qoreen shacabkuna wuu baabiinayaa, ta kale wuu jirayaa kormeer ay samaynayaan ururada bulshadu laakiin awood ma leeyihiin marka ay arkaan wixii oo xumaaday  waa inay jirtaa meel dacwadooda qaadaysa oo saamayn leh.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Sidoo kale La taliyaha siyaasada arimaha dibada ee xisbiga mucaaridka ah ee  Waddani Faadumo Siciid Ibraahin oo ka hadashay kulankan ayaa soo dhawaysay ururada bulshada rayidka ah waxaany tidhi “Runtii  waxa weeyaan waa loo baahan yahay ururada bulshada waanan soo dhawaynaynaa, laakiin kormeerka aad samaynaysaan waa mid noocee ah, ma wakhtiga doorashada ayaad samaynaysaa, taasna waa in laysla eego, dadka kormeerka galayana waa in la sii tababaro oo guddida doorashooyinka ayaa ku shaqo leh, xisbiyaduna qayb ayey ku leeyihiin waana in laydiin ogaado.”

 

Somalilandpost.net, Hargeysa-Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories