HomeHargeysa: Shirweyne u furmay Bahda Qalinleyda Somaliland iyo Shirkadda Caymiska ee TAKAFUL...

Hargeysa: Shirweyne u furmay Bahda Qalinleyda Somaliland iyo Shirkadda Caymiska ee TAKAFUL oo Qayb weyn ka qaadatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Bahda Qalinleyda ee ku nool gudaha Somaliland, ayaa isugu yimi shir-ballaadhan oo maanta ugu qabsoomay magaalada Hargeysa, iyadoo xubnaha ka qayb-galay isaga kala yimaaddeen gobollada dalka.

Shirkan ayaa ujeeddadiisu ahayd mid lagaga tashanayo isla markaana lagu darsayo caqabadasha ku xeeran bahda qoreyaasha ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo sidii ay u samaysan lahaayeen bar-kulan mideeya oo ay isku bartaan.

shirka

Cali Cabdi Coomay oo ku hadlay afka Guddiga qaban-qaabada shirka, ayaa ugu horeyn sharraxaad ka bixiyey ujeeddada ka dambaysa shirka iyo muhiimadda ay yeelanayso inay isu yimaaddaan Qoraayada Somaliland.

 

“Muhiimaddu waxa weeyi in qalinleyda dalka gudihiisa ku sugani isbartaan oo tashadaan, wixii talo iyo tusaale ahna sidii ay u kala qaadan lahaayeen oo hadhowna kulamo ka yeeshaan,” Sidaas ayuu yidhi Cali Cabdi Coomay, isagoo intaas ku daray, “Waxa jiray socdaallo aanu ku tagnay gobollada si aanu ula kulanno Bari iyo Galbeedba. Magaalo kasta oo aanu tagnay waanu kula kulmaynay inta suurta-galka ah sidii loo tashan lahaa, laysugu iman lahaa, waxna laysku weydiin lahaa maadaama qalinleydii gudaha dalka ku noolayd ay kala firidhsan yihiin.”

shirkaqoral

Waxa kale oo halkaas ka hadlay qaar ka mid ah qoreyaasha kulanka ka qayb-galay kuwaas oo isku raacay, kana markhaati kacay faa’idada uu kulankani u leeyahay bahda Qalinleyda oo ay sheegeen inay ugu muhiimsan tahay isbarashada iyo in midiba ka kale uga faa’ideeyo aqoonta iyo waayo-aragnimada uu dheer yahay.

 

Shirkan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee lagu faaqido aayo-ka-tashida danaha bahda Qalinleyda, ayaa la soo xidhay maalintii shalay, waxaana loo ballamay kulamo kala oo lagu sii xoojinayo ka-midho-dhalinta ujeeddada loo soo qaban-qaabiyey.

shirka2

Dhinaca kale, Waxa xusid mudan in shirkan qaban-qaabadiisa ay si weyn uga qayb-qaadatay Shirkadda Caymis ee Takaful oo taageero dhaqaale u fidisay guddiga qaban-qaabada shirka oo maamulka sare ee shirkadda ka codsaday, iyadoo maamulkuna ka jawaabay codsigaas ay u gudbiyeen.

 

Cali Cabdi Coomay oo ku hadlay afka Guddiga qaban-qaabada Shirka, ayaa maamulka shirkadda Takaful ku tilmaamay inay had iyo jeer garab-istaagaan, inta awooddooda ahna ku caawiyaan dhalinyarada iyo sidoo kale bahda Qalinleyda.

coomay

 “Shirkadda Takaful waanu u mahadcelinaynaa sida ay mar walba u garab istaagaan dhalinyarada iyo cid kastoo caawimo uga baahata. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa maamulka shirkadda, runtiina si weyn ayuu qayb uga geystay qaban-qaabadii shirka, mar walbana way taageeraan Qalinleyda.

 

Shirkaddu waxay naga caawisay kharashkii qaban-qaabada shirka oo ay ka mid ahayd dadkii ka qayb-qaatay,” Sidaa waxa yidhi Cali Cabdi Coomay oo shirkadda Takaful uga markhaati kacay inay qayb laxaad leh ka qaadato dhiirrigelinta dhalinyarada iyo bahda qoraalkaba.

takafull

Shirkadda Caymiska ee Takaful Insurance of Africa, ayaa ka shaqaysa Adeegyada  caymiska ee Bariga iyo badhmaha Qaarada Afrika, iyadoo xafiisyo ku leh magaalooyinka waaweyn ee dhulka Soomaalidu degto, waxaanay bixisaa adeegyada caymiska oo dhan, sida Caafimaadka, gaadiidka, guryaha iyo Socdaalka Badaha, kuwaasoo ku shaqeeya Nidaamka Islamic Insurance ama Caymiska Islaamiga ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories