HomeHargeysa: Sheekh Ka digay Khatar uu leeyahay Barnaamijka FaceApp oo kalsooni-darro laga...

Hargeysa: Sheekh Ka digay Khatar uu leeyahay Barnaamijka FaceApp oo kalsooni-darro laga muujiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Cismaan Cali Xuseen, oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka, ayaa ka hadlay Barnaamijka lagu magacaabo FaceApp oo muddooyinkii ugu dambeeyey hadal-hayntiisu ku badnayd baraha bulshada iyo Warbaahinta Caalamkaba.

 

blank

 

“Hadalka beenta ahi waa xaaraan Diiteenuna waa Diin qaaliya, ALLENA wuu inaga xarimay beenta oo la sheego, Sawirka oo been laga sheego ama ha la da’yareeyo ama ha la gaboojiyo qofka waa qofkii oo da’iidisi been laga sheegay, waana been cad, Diintuna raali kama aha, Sharciyana waa khalad, anigu waan arkay, waxaan se guud ahaan dadka uga digayaa inay ka digtoonadaan sawirkan beenta ah, inta sawirada lagu mashquulsanyahayna waxaa ka ajar iyo khayr badan in cibaadada iyo arimaha khayrka ah ee ALLE raalida ka yahay lagu mashquulo, aduunyadu waa maalmo, oo qof kastaana wakhti buu leeyahay, ee dadka waxaan leeyahay cabsida ALLE ha la badiyo, oo xisaabta dambe ee qiyaamaha la xasuusnaado,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika.

 

“Wax kasta oo diinteena iyo dhaqankeena ka hor imanaya, in aad la iskaga ilaaliyo ayaa muhiim ah, madaama aynu nahay dad muslim ahna, waxaa la inooga baahan yahay inaynu ku dayano Nabigeena suuban ee Maxamed, naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate, oo ah qofka adduunka ugu khayrka badan uguna mudan in lagu daydo, qofka muuminka ahna, qofka kale ee walaalkii ah waa u muraayad  ee aynu wanaaga isku baraarujino,” Ayuu yidhi Sheekh Cismaan Cali Xuseen.

 

Barnaamijka FaceApp oo loo adeegsado Qurxinta iyo Wax-ka-beddelka Sawirrada, qofkuna ku isticmaali karo telefoonkiisa gacanta gaar ahaan kuwa Smartphone-ka ah ee ku shaqeeya aaladaha Android iyo iOS oo muddooyinkii u dambeeyey si xawli kor ugu kacay isticmaalkiisu, waxa hal-abuuray oo iska leh shirkad lagu magacaabo Wireless Lab oo laga leeyahay dalka Ruushka. Warbaahinta reer Galbeedka, ayaa si adag uga faallootay saamaynta barnaamijkan oo ay ka digeen inuu keydinayo xogta ku jirta telefoonka Qofka isla markaana ay dhici karto in xogtaasi gacanta u gasho dowladda Russia.

 

Barnaamijkan ayaa qofka isticmaalaya awood u siinaya inuu beddeli karo da’da iyo bilicda sawirkiisa oo uu waxyaabo badan ku daro karo, waxaana warbixin ay qortay jariiradda Forbes lagu sheegay in tirada dadka isticmaashay kor u dhaafayso 150 milyan oo la tilmaamay inay shirkaddu gacanta ku dhigtay xogtooda iyo sawirrada ku jira telefoonkooda gacanta.

 

Dalka Maraykanka Xildhibaan ka tirsan Aqalka Odayaasha oo lagu magacaabo Chuck Schumer, ayaa hay’adda sirdoonka Maraykanka ee FBI ugu baaqay in baadhitaan deg-deg ah lagu sameeyey saamaynta Barnaamijka FaceApp oo uu ku tilmaamay inuu halis ku yahay ammaanka xogta shacabka dalkaas.

 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories