HomeHargeysa: Shalay Iyo Furitaankii Bandhiga Dhigaalka Aqoonta Iyo Taariikhda Aduunka Hargeisa...

Hargeysa: Shalay Iyo Furitaankii Bandhiga Dhigaalka Aqoonta Iyo Taariikhda Aduunka Hargeisa International Book Fair

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu daahfurayey bandhiga caalamiga ah ee Buugaagta oo sannadkiiba mar lagu qabto Hargeysa, oo halkudhiga sannadkani ahaa “Barrada” ayaa shalay ka furmay  huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, taasoo socon doonta ilaa lixda bishan.HIBF11

Xafladan oo dadweyne iyo mari sharaf kaloo gudaha iyo dibedda dalka ka kala socda ayey goobjoog ahaayeen Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Qorsheynta Mr. Cabdikariin A. Mooge, Wasiir-xigeenka Warfaafinta Marwo  Shugri Xariir, Musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali xuseen, ayaa sannadkii sideedaad shalay laga furay Hargeysa.

 Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo xafladaa ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey dhamaan martisharafta kala duwan ee dacalada dunnida ka yimi, isla markaana ka waramay muhiimadda ay sanadkan u leedahay munaasibaddan Hargeysa International Book-fair.

Dr Sacad waxa uu carabka ku dhuftay inay carwada Bandhigga Buugaaggtu sanadkan ka sii xiiso badan yihiin sannadihii ka horeeyey maadaama ay ka soo qaybgaleen waddamo farabadan oo aan ahayn kuwii horey uga soo qaybgalijiray sida sida dalka Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan qaaradda Africa, waxaanu yidhi,

“Waxaan filayaa inaan nala wadaagi doontaan farxada bandhiga caalamiga sideedaad ee buugaagta Hargeysa, waxaanan ku dhawaaqayaa inay inoo furan tahay,” Drs Adna Aadan Ismaaciil oo iyana madashaa ka hadashay waxay sheegtay inay munaasibaddani soo dhaweyn gaara iyo qadarinba siinayso martisharafta ka socota dalka Nigeria iyo guud ahaanba ka soo qaybgalayaasha shirkan muhiimka ah, waxay kaloo sheegtay in halku-dhiga sannadkan ee “Barada” tahay wax dhinac walba looga baahan yahay, hadday tahay barro-dhaqan, barro-siyaasadeed, barro-waxbarasho iyo kuwo kaloo badan

 Drs Adna ayaa sheegtay inay farxad weyn u tahay inay horteeda fadhiyaan laba hablood oo ardaydeedii ahaan jiray, xilligana kaalimo sare kaga jira horumarka dalkooda iyo dadkooda, waxaanay tidhi,

 “Raaqiya xaaji Ducaale iyo Shugri baandare, wasiirka Dhirta iyo Daaqa waxay ahaayeen ardaydii hore, heerka ay gaadheena si kal iyo lab ah ayaan ugu faraxsanahay, “

 Drs Adna, ayaa sidoo kale dardaaran u soo jeedisay xukuumada Somaliland, xisbiyada mucaaradka iyo saxaafada, waxaanay tidhi, “Xukuumada waxaan leeyahay ha noqon mid wax cabudhisa, xisbiyada mucaaradkana waxaan leeyahay ha noqonina kuwo wax dumiya, saxaafadana waxaan leeyahay ha noqonina kuwo caaya,”

 Wasiir-xigeenka Warfaafinta Marwo Shugri oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay inay soo dhoweynayaan cid kastoo ku hawlan horumarinta dhaqanka Somaliland, waxaanay tidhi, “Nageynta, cid kastoo isku-deyda nageynta dhaqanka iyo jiritaankiisa aad baan u soo dhoweynayanaa, dhalinyarada balwadahii iskaga tegay ee samaystay naadiyada Akhriska aad baan ugu mahadnaqayaa. Waxaan rajeynayaa inay noqdaan maskaxdii aanu ku faanaynaynay hadaan nahay bulshoweynta Somaliland,”

 Bandhiga caalamiga sideedaad ee buugaagta Hargeysa oo sanadkan ka soo qeybgaleen wadamada Koonfur Afrika, Masar, Cameroon, Kenya, Ghana, Ugandha, Turkey, Australia, Sweden Denmark, Italy, UK iyo USA, ayey sidoo kale sidii sannadahii ka horeeyey qorayaal heer caalami ah iyo kuwa dalka u dhashay, gabayaa, sawir qaadayaal,fanaaniin, 5 madbacadood kuwa dalka ku yaalla,4 Jaamacadood iyo 6 Naadi Akhris ee Gobalada kuwaas oo la fiilayo inay madashada ka hawlgalaan muddadad 6-da maalmood ah ee uu bandhiggu socdo.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories