HomeHargeysa: Salaadiin iyo Cuqaal soo bandhigay Doorka Dugsiga Agoomaha ee Kuweit-gu ka...

Hargeysa: Salaadiin iyo Cuqaal soo bandhigay Doorka Dugsiga Agoomaha ee Kuweit-gu ka qaadanayo Horumarka Dalka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu Salmaan) oo ka mid ahaa Salaadiinta Somaliland, isla markaana hormood u ah masuuliyiinta sare ee Dugsiga Aggoomaha Kuwaiti-ga ee Hargeysa, oo maanta ka hadlayay madal ay ku kulmeen labaatan Madax-dhaqameed isugu jira Salaadiin iyo Cuqaal kasoo jeeda deegaanka Hargeysa, ayaa sharaxay doorka muhiimka ah ee Dugsiga Aggoomaha ee Kuwati-gu u leeyahay Bulshadda Somaliland iyo kaalinta uu kaha jiro horumarka dalka.

 

blank

 

Suldaan Colhaye oo ku magacdheer Abu Salmaan, isla markaana Salaadiinta iyo Odayaasha kale kusoo dhoweeyay xarunta Dugsiga Aggoomaha , ayaa hadal uu ka jeediyay halkaa, wuxuu uga mahad-celiyay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo doorkii ay ku lahayd Dugsiga Aggoomaha ee Kuwaiti-ga oo sida uu sheegay haddii aanay doorkaa midhihiisa la arkayo ku lahayn aannu dugisga Aggoomuhu suurta galeen .

 

blank

Sidoo kale, Suldaan Abu Salmaan, wuxuu u mahad eliyay xukuuumadda xilligan ee Muuse Biixi, wuxuuna sheegay in Dugsigaa ay hada dhigtaan 490 (Afar boqol iyo sagaashan Arday), isagoo ka warbixiyay sida uu ku yimi Dugsiga Aggoomaha iyo marxaladii uu soo maray, wuxuuna sheegay in 27 November 2007, la iibiyay dhulka Dugsiga laga dhisay, isla markaana ay naqshada dugsigaa kasoo heleen dhinaca dalka Djibouti oo sidan oo kale looga dhisay Iskuulkaa, isla markaana wuxuu xusay in markii ay wefdigii u horeeyay yimaadeen Somaliland ay soo tuseen suuqa dahabka iyo Lacagta, si ay u muujiyaan ammaanka Jamhuuriyada Somaliland iyo nabadgelyada , sidaana ay wefdigii Kuwait ku qanceen in la dhiso Dugsigaa oo Madaxweyne Siilaanyo markii loo geeyay uu sidaa ku aqbalay.

 

Abu Salmaan, wuxuu sheegay in shanti Sannadood ee u danbeeyay uu shaqaynayay Digsiga Aggoomaha Kuwait-iga oo wax badan laga arkayo horumarka uu sameeyay , balse waxa uu sheegay in dadka Somaliland aanay ku wacnayn waxyaabaha sidan oo kale ummada loo qabanayo ee danta caamka ah, isagoo xusay in dugsigan loo qorsheeyay in dhawr sannadood kadib uu Iskuulku isagu dhaqaalihii lagu maamuli lahaa ula soo baxo, isla markaana la doonayo in magaalooyinka kale ee waaweyn laga dhiso dugsigan oo kale oo sida uu xusay Boorama laga dhsiay, halka Burcona uu dhismihiisu socdo, isla markaana Ceeraagbo iyo Laascaanood laga dhisayo.

 

blank

 

Suldaan Abu Salmaan, wuxuu sheegay in Dugsiga loo qosheeyay 2021, in Dugsiga Aggoomaha iskii isku maamulo, sidaa awgeed loo sameeyay Bustaano khudrad laga beero oo lagu kabayo dhaqaalaha dugisga lagu maamulayo, sidoo kale wuxuu sheegay in Cusbitaalka ku yaal Hargeysa ee Kuwait uu yahay mid qayb ka ah qorshaha ilaha dhaqaalaha lagu maamulayo dugsigaa si mustaqbalka marka la gaadho xiliga ay dhammaato maalgelinta caawimada Kuwait loogu maamulo dakhliga kasoo baxa meelahaa . sidaa awgeed wuxuu ku dardaaray Xukuumadda iyo Bulshada kalena in aanu Dugsigu noqon sida Hay’addo badan oo Khayri ah ay u xidhmeen markii maalgelintii ka dhammaatay, sidaa awgeed waa in aanu Dugsiga Kuwaitigu noqon mid xidhma marka ay dhamaato maalgelintiisu.

 

Sidoo kale, wuxuu ka digay in hadalo dacaayad ah iyo dad dano gaar ah leh ay sabab u noqdaan dugsigaa iyo kaabayaashiisa dhaqaale ee la doonayo inay mustaqbalka noqdaan meelaha laga quudiyo kharashka ku baxaya dugsigaa.

 

Waxa kale oo ka hadlay doorka muhiimka ah ee Dugsiga Aggoomaha ee Kuwatigu u leeyahay Bulshadda Somaliland iyo kaalinta uu kaha jiro horumarka dalka, Suldaan Axmed Maxamuud Cawad, Suldaan Siciid Hadhiye, Suldaan Cada-gude, Ugaas Aadan , Suldaan Naasir , Ugaas Xawaareeye,kuwaas oo dhammaantood ka hadlay ahmiyada uu Dugsiga Aggoomaha Hargeysa ee Kuwait-ga u leeyahay Somaliland, waxayna dawladda Kuwait ku amaaneen mashruucaa oo dalka laga fuliyay xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana midhihiisa la gunayo xilligan oo ay boqolaal caruur ah oo Aggoomo ahi ay ka faa’idaysteen.

 

Madax-dhaqameedka , ayaa bulshadda Somaliand, gaar ahaan Bulshada gobolka maroodi-jeex usoo jeediyay sidii loo wada ilaashan lahaa Dugsigaa qiimaha baddan iyo goobaha kale ee la doonayo inay mustaqbalka noqdaan meelaha ilaha dhaqaalaha u noqonaya ee laga quudinayo, iyagoo Suldaan Axmed Maxamed Col-haye oo ku magac dheer Abu Salmaan ku amaanay hawlaha samafalka ee sida ay sheegeen uu inta badan ka shaqeeyo iyo doorkii uu ku lahaa dhismaha dugsiga aggoomaha ee Kuwait-ga.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories