HomeHARGEYSA: Safiirka Shiinaha oo Deeq Ku wareejiyey Xarunta Dhaqan-celinta Ubadka Darbi-jiifka M...

HARGEYSA: Safiirka Shiinaha oo Deeq Ku wareejiyey Xarunta Dhaqan-celinta Ubadka Darbi-jiifka M Mooge, Dhisme loo dhagax-dhigay, ballan-qaad loo sameeyey Iyo Doorka Shirkadda Chinese Energy Company

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Safiirka dalka Shiinaha u qaabilsan Somaliland Iyo Somalia oo maanta socdaal ku yimi magaalada Hargeysa, ayaa kormeer ku tagay xarunta Dhaqan-celinta Maxamed Mooge halkaas oo safiirku gaadhsiiyey deeq isugu jirta Raashin, agabka Carruurtu ku dheesho, iyo agab kale oo faro-badan.

Safiirka Shiinaha u qaabilsan Somaliland iyo Somalia
Safiirka Shiinaha u qaabilsan Somaliland iyo Somalia

Safiirka oo maanta gelinkii dambe booqday Xarunta kaddib kulan uu gelinkii hore la qaatay Madaxweynaha Somaliland, waxa ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud, Ganacsade Shiinaha u dhashay oo Somaliland maal-geshi ka sameeyey, Wakiilka Somaliland ee shiradda Chinese Energy Company Mr Cawil Ibraahim, Safiirka Somaliland ee Shiinaha Mr Minguste.
20171031_154352Ugu horeyn, waxa uu safiirku kormeer uu qol-qol u galay ku maray qaybaha kala duwan ee xarunta, ka hor intii aanu Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo xarunta gacanta ku haysa ku wareejin Deeqda ay xarunta ugu sideen oo ku rarneyd gaadhi weyn oo Dyna ah.

20171031_154037Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo halkaas ka hadlay Ayaa ka warbixiyey waayihii ay soo martay iyo sidii loo aasaasay xarunta Dhaqan celinta Darbijiifka oo uu ku tilmaamay mid xukuumaddu masuuliyad weyn iska sartay, waxaanu dawladda Shiinha uga mahadceliyey deeqda xarunta loogu deeqay iyo ballanqaadyo taageero waxbarashada ah oo safiirku ballan-qaaday.

Cawil Ibraahim
Cawil Ibraahim

Wakiilka Shirkadda Chinese Energy Co ee Somaliland Cawil Ibraahim, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu xarunta u dhisayso goobo waxbarasho iyo ballanqaad dhinaca deeqaha waxbarashada kuwaas oo uu sheegay inay dowladda Shiinuhu ugu soo hagaajinayso Maalqabeenka iska leh shirkadda Chinese Energy Chu Chie Bing.

20171031_153907Safiirka dalka Shiinaha u qaabilsan Somaliland Iyo Somalia oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu wada shaqayn toos ah la samaynayso dowladda Somaliland isla markaana ay ka qayb qaadanayaan taageerada adeegyada aasaasiga ah ee goobo badan oo xaruntani ka mid tahay.  Waxa kale oo uu safiirku sheegay inay dhiirrigelinayaan sidii ay Somaliland u iman lahaayeen si ay maalgeshi uga sameeyaan Shirkado waaweyn oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Maalqabeenka Shiinaha u dhashay
Maalqabeenka Shiinaha u dhashay

Hadallo kooban oo madasha laga jeediyey kaddib, waxa uu safiirku halkaas ku dhagax dhigay dhisme afar Qol ka kooban oo loogu talogalay goob ay wax ku bartaan carruurta xarunta ku jirta.

Booqashada Uu safiirku ku tagay Xarunta waxa suurta geliyey isla markaana isku hawlay Wakiilka
Shirkadda Chinese Energy Co ee Somaliland Cawil Ibraahim Sida uu Munaasibaddii loo qabtay wareejinta Deeqda ka sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo Mr Cawil iyo Shirkaddiisa ku bogaadiyey hawsha uu muwaadin ahaan isku xil-qaamay taas oo wasiirku ku tilmaamay tallaabo ku dayasho mudan oo muwaadin kasta oo awood u leh ay waajibkiisa tahay.

Wakiilka Somaliland u fadhiya China
Wakiilka Somaliland u fadhiya China

20171031_160451

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories