HomeHargeysa oo laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS iyo Waxyaabihii ku...

Hargeysa oo laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS iyo Waxyaabihii ku cusbaa Sannadkan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasibad loo qabtay Xuska maalinta Caalamiga ah ee AIDS-ka oo loo asteeyey 1 bisha Decebeer, taas oo ay soo qaban-qaabiyeen Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS ee Somaliland.

blankWaxa munasibadda Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo qoyska, Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Agaasimaha Fulinta ee Komishanka HIV/AIDs ee SOLNAC oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale ee hay’addaas, Dr Edna Aadan Ismaaciil iyo marti-sharaf kale.

Agaasimaha Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Cabdishakuur Ismaaciil Muumin oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in sannadkan 2020 la baadhay dad ku dhaw 2,500 (laba kun iyo shanboqol) oo qof islamarkaana laga helay 119-qof, taas oo wadarta guud ee Bulshada ka noqonaysa 5%, waxaana uu xusay in guud ahaanba dadka xanuunka la nool gudaha Somaliland lagu qiyaaso 5,500 oo qof kuwaasi oo ku kala sugan gobolada iyo degmooyinka Dalka.

Waxaa kale oo Agaasimaha SOLNAC uu sheegay in sannadkan uu takoorku kor u dhacay 63%, sidoo kalena ay guddida komishanku tageen iskuulo ardayda waalidkood la nool yahay xanuunka laga soo eryey oo ay soo xaliyeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kor loo qaado wacyiga bulshada si aan dadka xanuunkaasi la nool aanay u dareemin takoor.

blankMadaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la nool Xanuunka AIDs-ka aan la takoorin islamarkaana kor loo qaado wacyiga Bulshada si loogu baraarujiyo inaan xanuunkan lagu kala qaadi karin Salaanta wax dhigashada iyo inta la hal maasha balse uu yahay xanuun jidhka ku dhex jira oo laysugu gudbin karo dheecaan oo keliya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in marwalba la laban laabo Xakamaynta Xanuunkaasi si bulshadu u noqoto mid caafimaad qabta, waxaana uu Komishanka iyo Hay’addaha la shaqeeya ku dardaaray inay sii wadaan hawsha ay Qaranka u xilsaaran yihiin.

blankWaxa kale oo munaasibadda ka hadlay shaqsiyaad la nool caabuqa HIV oo soo bandhigay saamaynta ay bulshada kala kulmaan. Hooyo ka mid ah dadka la nool xanuunka HIV-ga ayaa munaasibadda ka sheegtay inay faquuq xad-dhaaf ah la kulmaan, dhibaatooyin-na ka soo gaadhaan bulshada, iyadoo xustay inay taasi gaadhay heer ubadkeeda loo oggolaan waayo in ay waxbarashada tagaan, dugsiyo badanna looga caydhiyay kaliya maadaama oo hooyadood la nooshahay caabuqa HIV-ga.

blankblankblank

 

Somalilandpost.net

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories