HomeHargeysa oo mar kale laga furay Xafiisyo laga qaato Baasaboorka Soomaaliya, Magaca...

Hargeysa oo mar kale laga furay Xafiisyo laga qaato Baasaboorka Soomaaliya, Magaca Shirkad Qandaraas ku soo qaadatay iyo Fadeexado ka soo ifbaxay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Baadhis Daaha ka qaadday Goobaha ay ku yaallaan Xafiisyada laga bixiyo, Shirkadda hawshan qaabilsan oo Qiratay inay Qandaraas ku soo qaadatay bixinta baasaaboorka

 

“Ma imika ayaad ogaateen, waligayo waanu bixinaynay baasaaboorka, walibana waanu sii wadaynaa…” Shirkadda Skyway Travel Agency

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa, waxa dhowrkii bilood ee u dambeeyey ka furnaa xafiis si joogto ah u bixiya baasaboorka Soomaaliya oo ay hawsha bixintiisa wakiil ka tahay isla markaana ay ku kaliyeysatay mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku shaqeeya adeegyada Socdaalka iyo Safarka duullimaadka diyaaradaha.

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u madnuucday in dalka gudihiisa lagu bixiyo ama laga qaato baasaboorka Soomaaliya, iyadoo amar ka soo baxay hay’adaha Ammaanka iyo Socdaalku horaantii sannadkii 2017 lagu mamnuucay ku safarka baasaboorka Soomaaliya ee ay ku qorantahay inuu ka soo baxay magaalo ka mid ah Somaliland.

blank

 

Baadhitaan ay sameeyeen suxufiyiin ka mid ah warbaahinta madaxa-bannaan, ayaa lagu ogaaday inay jiraan xafiisyo ka furan gudaha magaalada Hargeysa oo lagu bixiyo baasaaboorka Soomaaliya, taas oo ay qandaraaska bixintiisa soo qaadatay shirkad lagu magacaabo Skyway Travel, Tourism and Cargo oo ka mid ah shirkadaha bixiya adeegyada socdaalka iyo Tigidhada diyaaradaha.

 

blank
Xafiiska Shirkadda Skyway Travel ee Badhtamaha Hargeysa

 

Labada Xafiis oo si gaar ah u qaabilsan bixinta Baasaboorka Soomaaliya, ayaa laga furay Degmooyinka Gacan-Liibaax iyo Ibraahim Kood-buur ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo midkood oo ay shaqadu caadi uga socoto booqasho ku tageen suxufiyiinta baadhitan arrintan isu-xilsaaray iyagoo iska dhigay inay yihiin dad doonaya in loo sameeyo baasaboorka Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan jiritaankeeda, iyagoo iska dhigay inay doonayaan baasaaboorka Soomaaliya, waxaanay shaqaalihii goobta ka hawl-galayey weydiiyeen suxufiyiinta cidda la socotay ama u soo tilmaantay goobta xafiisku ka samaysan yahay oo ah guri ku yaalla xaafadda Badda Cas ee magaalada Hargeysa. “Yaa idin soo tilmaamay, ma waxa jirta cid idinla socotay, ma gaadhibaad wadateen,” ayuu weydiiyey mid ka mid ah shaqaalaha goobta ka hawl-galyey oo markaas u muuqday inuu yahay qofkii masuulka ka ahaa xafiiska. “Maya ee annagaa nimi oo baska ayaanu kaga degnay laamiga, intaasna waanu soo lugeynayo,” ayuu ugu jawaabay suxufiyiinta midkood.

 

 

blank
Mid ka mid ah Guryaha Xafiisyada u ah ee lagu farsameeyo Baasaboorka Soomaaliya

 

Suxufiyiintani waxa ay sheegeen inay goobta ugu tageen qaar ka mid ah Ardayda Shaqo-qaran oo dhawaan imtixaanka u galay Shaqaale ay qaadanayso shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo Wershad shidaalka Sifaysa ka hirgelinaysa magaalada Hargeysa, kuwaas oo intii ku soo baxday imtixaanka loo ballan-qaaday in aqoon-kororsi iyo waxbarasho loogu qaadayo dalka Shiinaha, sidaas awgeedna looga baahan yahay inay soo qaataan baasaaboor ay ku safraan.

 

Lama oga in masuuliyiin ka tirsan ama shaqsiyaad ka ag-dhow xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi qayb ka yihiin arrintan, haseyeeshee waxa muuqata inay xukuumadda Somaliland wax ka ogtahay ama la socotay hawl-galka xafiisyadani iyo Shirkadda Skyway Travel ka wadaan gudaha caasimadda maadaama  ardayda Shaqo-Qaran ee ku soo baxay shaqaaleynta shirkadda laga leeyahay Shiinaha oo dalka dibaddiisa waxbarasho iyo tabobar muddo kooban ah ugu qaadaysa, kuwaas oo lagu xidhay inay soo qaataan Baasaaboorka Soomaaliya.

 

Haseyeeshee, Masuul ka tirsan Shirkadda Skyway Travel oo lagu magacaabo Cabdiraxkiim Maxamed Cilmi oo suxufiyiintu waxa ka weydiiyeen hawsha uu xafiiskoodu hayo, ayaa si jees-jees ah ugu jawaabay su’aal laga weydiiyey doorka ay shirkad ahaan ku leeyihiin, isagoo sheegay inay muddooyinkii u dambeeyey ku gudo-jireen hawshan iyaguna qandaraas ku soo qaateen bixinta baasaaboorka Somaliya, isla markaana ay sii wadayaan hawsha.

 

“Ma imika ayaad ogaateen, waligayo waanu bixinaynay baasaaboorka, walibana waanu sii wadaynaa, waxaad doontaan sheega oo soo qora,” Sidaas waxa yidhi Cabdiraxiim Maxamed Cilmi oo ka tirsan shirkadda Skyway Travel Agency.

 

Fadeexadaha kale ee ka soo baxay baadhista ay saxaafaddu samaysay, waxa ka soo baxay in xafiisyada ay masuulka ka tahay shirkadda Skyway Travel dadka ka qaadaan lacag xad-dhaaf ah oo gaadhaysa $300 (Saddex Boqol oo Dollar) qof kasta oo danaya inuu helo baasaaboorka Soomaaliya oo markii hore loo doonan jiray magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland halkaas oo lagaga qaadi jiray lacag aan ka badnayd $100 (boqol Dollar).

 

Shacabka Somaliland, ayaa inta badan baahida helitaanka Baasaaboorka Soomaaliya waxay kor u kacdaa xilliga Xajka maadaama oo dowladdu Sucuudigu aanay Aqoonsanayn Baasaboorka Somaliland.  

 

blank

 

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah xukuumaddiisa oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Sucuudiga oo u tageen gudashada waajibaadka Xajka, ayaa sheegay inay dalkaas ku ugu safreen baasaboorka Somaliland, kaddib markii ay marti-qaad ka heleen dowladda Sucuudiga oo markii dambe ogolaatay inay baasaboorka Somaliland, kaddib markii ay ku gacan-saydheen inay ku socdaalaan baasaaboorka Soomaaliya oo dalkaasi aqoonsan yahay.

 

blankGeesta kale, Qaar ka mid ah muwaadniinta Somaliland ee xafiisyada hore uga qaadatay baasaboorka Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay isla markaana su’aalo iska weydiiyey sababta kalliftay in Xukuumaddu ogolaato xafiisyada hawshadan qaabilsan ee laga furay caasimadda Hargeysa, waxaanay qaarkood aragtidooda ku soo gudbiyeen baraha bulshada iyagoo soo bandhigay baasaaboorka iyo goobaha ay ka qaateen ee ku yaalla caasimadda.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa fadeexad ka taagan tahay cidda u xil-saartahay shirkadda SkyTravel inay ka wakiil ka noqoto bixinta baasaaboorka iyo Xafiisyada ka furan magaalada Hargeysa, ayaa ah fadeexad qaawan oo dul-hogaynaysa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ka hor-imanaysa go’aan ay hore wada-jir u soo saareen Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Duulista hawada oo ay wehliyaan ciidanka socdaalka, kuwaas oo amar ku siiyay shirkadaha diyaaradaha iyo Wakaaladaha in aanay tigid u jari karin qof kasta oo ku safraya baasaboor ay ku qaran tahay in laga bixiyey gudaha Somaliland.

 

Muuqaalkan Hoose ka daawo Muwaadin fashiliyey goobaha ay ku yaallaan xafiisyada laga bixiyo baasaaboorka Soomaaliiya

 

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories