HomeHargeysa: Nuxurka War-murtiyeed ka soo baxay Kulan Dhexmaray Ururrada Bulshada Rayidka ah...

Hargeysa: Nuxurka War-murtiyeed ka soo baxay Kulan Dhexmaray Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Doorkooda Der-dergelinta Gar-gaarka Bani’aadamnimo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

sonsafHargeysa (SLpost)- Kulan ay isugu yimaaddeen Bulshada Rayidka ah ee Somaliland oo ay soo abaabushay kana soo shaqaysay Dalladda Jilayaasha Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF oo lagaga hadlayay hawlaha Gargaarka Bani aadamnimo ee xaaladaha duufaanihii Somaliland ku dhuftay ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed ballaadhan oo ku saabsan aragtida iyo waxqabadka ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland eek u aaddan xaaladdan.

War-murtiyeedka oo ka soo baxay Xafiiska Dalladda SONSAF oo saxaafadda la soo gaadhsiiyay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Kulanka Ururka Bulshada Rayidka ah ee Hawlaha Gargaarka Bani’aadaminimo
 
Warbixin
 
1.      Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay dhawr iyo labaatankii sanno ee u dambeeyey dedaal weyn ka muujiyeen ka qayb-qaadashada dhismaha nabadda, dhismaha dawladeed, hirgelinta isku xukunka sharciga, maamul wanaagga, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka. Wakhtigaas, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha aan dawliga ahayn waxa ay ka qayb-qaateen xaaladihii adkaa ee dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland.
 
2.      Hannaanka horumarka Somaliland ayaa waxa caqabad ku noqotay dhibaatooyin waawayn sida abaaraha soo noqnoqonaya iyo maasiibooyinka dabiiciga ah sida Duufantii “Sagar” halkaas oo dadka xoolo dhaqatada ah iyo beeralaydaba ay waxyeelo weyn ka soo gaadhay iyagoo ku waayay hantidoodii sida xoolo, beero iyo guryaba. Bulshada rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku talinaysaa in hay’adaha caalamiga ahi ay dib-u-eegis ku sameeyaan gargaarka bini’aadannimo ee la siiyo Somaliland iyagoo taabba-gelinaya gargaar bini’aadanimo iyo mid horumarineed oo si mug leh uga jawaabi kara baahiyaha waawayn bini’aadminimo ee maanta ka jira Somaliland.
 
3.      Masiibada duufaantii “Sagar” waxa ay dhib u geysatay dad gaadhaya 184,000 oo qoys kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah iyo adeegyadii aasaasiga ahaa sida cunto, hoy, biyo nadiif ah, caafimaad iyo in dib loo dhiso adeegyadii ay burburisay duufaantu.
 
4.      Arrintaasna, ururada bulshada rayidka ahi waxa ay u arkaan in jawaabta hay’adaha caalamiga ahi ay tahay mid aan halkii la doonayay gaadhin, iyadoo kumanaan dadka reer Somaliland ah ay ku jiraaan xaalad adag oo bini’aadminimo, waxaana jira dad badan oo gudaha ku barakacay oo aan daryeel helin isla markaana aan haysan baahiyaha asaasiga ah sida hoyga, cuntada, biyaha, waxbarashada, fayadhowrka, iyo adeegyada caafimaadka.
 
5.      Ururada Bulshada Rayidka ahi waxa ay baaq nabadeed u dirayaan beelahii xurguftu ku dhex martay Deegaanka Ceel-Afweyn iyagoo ugu baaqaya in dhinacyada xurguftu dhex martay wada hadal ku dhameeyaan wixii xurguf ah ee dhexdooda taala. Ururada Bulshada Rayidka ahi waxa ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan dedaal kasta oo lagu daminayo colaadaas. Colaadaas oo saamaysay dad ay hore u saamaysay abaarihii isdaba jooga ahaa ee dalka ka dhacay.

6.      Hadaba,  kulanka  Bulshada  Rayidka  ah  ee  Hawlaha  Gargaarka  Bani’aadamnimo  ee
 
Somaliland oo dhacay maalintii Sabtida ee 9ka June 2018, waxa uu xoojinayaa in la dardar-geliyo hawlaha gargaarka bani aadminino iyo in la dhaqan galinayo habab isku xidhan oo isla jaan-qaadaya iyadoo ay lagama maarmaan tahay in hay’adaha caalamiga ahi wada shaqayn la yeeshaan hay’adaha waddaniga ah.
 
7.      Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ka go’an in ay la shaqeeyaan dhamaan hay’adaha caalamiga ah sida Ururada Caalamiga ah, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo qaadhaan-bixiyeyaasha si loo xoojiyo xidhiidhka u dhaxeeya ururada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ah kaas oo wax weyn ka tari kara mabaadii’da waxqabad ee gargaarka bini’aadminimo iyo horumarka bulshada iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta iyo hay’adaha kale ee dawliga ah ee u xilsaaran hawlaha gargaarka bani’aadminimo.
 
8.      Kulankan Ururada Bulshada Rayidka ah ee Hawlaha Bini’aadamnimada waxa uu ka codsanaya wadamada qaadhaanka bixiya iyo dhamaan hay’adaha caalamiga ah in ay kordhiyaan gargaarka bini’aadanimo iyo in ay xoojiyaan dadaalkooda ku wajahan ka-jawaabista masiibooyinka ah sida Duufaantii “Sagar” iyo caawimada dadkii abaaruhu saameeyeen.
 
9.      Si kor loogu qaado dadaalka gargaarka bini’aadminimo iyo horumarka isla markaana la badbaadiyo dad badan oo ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah ee jira, waxa ay Ururada Bulshada Rayidka ahi ku talinayaan in aan la siyaasadayn gargaarka bini’aadminimo iyo horumarka taas oo ka hor imanaysa xuquuqaha aasaasiga ah ee dadka reer Somaliland leeyihiin.
 
10.  Ururada Bulshada Rayidka ahi waxa ay dhiiri-gelinayaan in colaadda Tuka-raq lagu dhammeeyo wada hadal iyadoo Ururada Bulshada Rayidka ahi taageerayaan dhexdhexaadinta ay bulshada caalamku gadh-wadeenka ka tahay. Iyadoo Madaxweynaha Somalilandna marar badan ku celceliyay in Somaliland diyaar u tahay in deegaanka Tuka-raq ay ka dhacdo nabadgelyo waarta. Colaaddaas Tuka-raq oo sababtay in dad badan ku barakacaan una baahan yihiin gargaar bani’aadminimo oo degdeg ah.
 
11.  Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay dhiirigelinayaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyagoo ku boorinaya wadama taageera sanduuqaas sida UK, Denmark, Norway iyo Netherlands in ay sii wadaan taageerada sanduuqaas. Waxa kale oo ay ku boorinayaan bulshada caalamka in qaabkii mucaawimada Somaliland loo siinayay ee ku salaysnaa Somaliland Special Arrangement (SSA) uu yahay lagama maarmaan in mar labaad la hirgeliyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories