HomeHargeysa: Nin 20 Sanno Xabsi ku Xidhnaa oo $15 Kun lagu wareejiyey

Hargeysa: Nin 20 Sanno Xabsi ku Xidhnaa oo $15 Kun lagu wareejiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Samafale Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, ayaa lacag dhan $15Kun guddoonsiiyay Maxamed Muuse Gamteesa oo ahaa maxbuus muddo 20-sanno ah ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Cabdimaalik ayaa sheegay in lacagtan oo ay soo bixiyeen Qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, lagu soo hagaajiyay Barnaamijka Kaalmee Kuwan oo uu isagu guddoomiye ka yahay.

blankSamafale Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon waxa uu uga mahad celiyay bulshada lacagta soo ururisay meelkasta oo ay joogaan.

“Maanta waxaa aanu halkan ku guddoonsiinayna maxbuuskii 20-ka sanno xidhnaa ee soo baxay laba toddobaad ka hor, waxaanu halkan ku guddoonsiinayna lacag gaadhaysa 15-kun oo dollar, isla markaana ay soo direen walaalo samafalayaal ah, oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba jooga, ILLAAHEY kheyr haku abaal mariyo.

Waxaa ay lacagtaasi u soo direen walaalkeen si ay garab u siiyaan, maadama uu muddo dheer xidhnaa una baahan yahay in uu nolol cusub bilaabo, dadkaasi oo kuwana aanu garanayno kuwana aanan garanayn, isla markaana go’aansaday in walaalkood garab siiyaan,” Sidaas waxa yidhi Cabdimaalik Muuse Coldoon.

“Lacagta waxaa lagu soo haggaajiyay annaga oo ah kaalme kuwan, oo ah barnaamij warbaahineed Samafala, kana shaqeeya is tuska dadka danyarta ah iyo inta ladan ee wax bixinaysa.”

Maxamed Muuse Gamteesa, ayaa uga mahadceliyey barnaamijka ‘Kaalme Kuwan’ iyo bulshada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba sida ay uga farxiyeen una soo caawiyeen.

“Walaalkay ii hawl galay ee ii shaqeeyay waan soo dhawaynayaa ILLAAHEY kheyr ha siiyo janatul Fardowsana waan ugu ducaynayaa, walaalkayga shan iyo tobanka kun ee dollar i siiyay, shan kun iska daaye maan filayn lacagta intan le’eg,” ayuu yidhi Gamteesa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ee dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories