HomeNatiijada Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDSI

Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDSI

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku yimi caasimadda Hargeysa.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay madaxweynaha dawlad-deegaanka oo muddo saacado ah qaatay, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga warbixiyey wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore iyo Hawlaha guud ee dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdiraxmaan Iid Daahir, waxana ay si qoto dheer u sharraxeen nuxurka kulanka iyo waxyaabihii sida gaarka ah diiradda loo saaray oo ay ugu horreeyaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo ganacsigu.

blankUgu horrayn Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, oo ka hadlay kulanka labada madaxweyne ayaa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalidu, waxana uu sheegay in wada-hadallada liishaanka lagu saaray dhinacyada amniga iyo ganacsiga, maadaama Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida ay ka dhaxayso dano badan oo derisnimo iyo walaalnimo salka ku hayaa.

blank“Waxannu si buuxda uga wada-hadallay dhinacyada ganacsiga nabadgelyada iyo xaaladaha ka jira geeska Afrika hadba sida ay noqon doonaan oo aynu si dhaw u wada eegi doonno, Sharaf bayna noo tahay inaanu si ehelnimo iyo walaaltinimo leh uga wada-hadalnay arrimahayaga gaarka ah, taasina waxay kusoo dhammaatay guul iyo is Af-garasho, si wacanna waanu isula Afgaranay qodobbadii aannu ka wada-hadalnay.”

Wasiirka Hawlaha guud ee Dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdiraxmaan Iid Daahir oo isaguna dhinaciisa halkaas ka hadlay, ayaa gaar ahaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumaddiisa iyo shacbigaba uga mahadceliyey sida milgaha iyo walaaltinimada leh ee ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne Mustafe Cagjar, waxana uu carrabka ku adkeeyey qodobbada ay dhinacyadu xoogga saareen muddadii kulanku socday.

blank“Booqashada uu madaxweyne Mustafe iyo weftigiisu halkan ku yimaaddeen waxay daarranaayeen laba qodob oo dhinaca amniga iyo ganacsiga la xidhiidha. Dhinaca ganacsigana hawlo badan oo ay dawladda Somaliland si wanaagsan noogala shaqaysay baa jira oo arrinta xakamaynta sicirka lacagta birta ah baa jirta, tallaabo ay labada xukuumadood wada qaadeenna lagu guulaystay in la xakameeyo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalidu ku maamuusay Hadhimo-sharafeed ballaadhan, waxana kulankaas goob-joog ka ahaa xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories