HomeHargeysa: Natiijada Kulan Arrimo badan lagaga hadlay oo dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo...

Hargeysa: Natiijada Kulan Arrimo badan lagaga hadlay oo dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Faransiiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday dalka Faransiiska oo uu hoggaaminayey safiirka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan, Amb. Antoine Sivan, oo ay wehelinayeen xubno kale oo muhiim ah.

IMG_0354Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa uu weftiga ku bogaadiyey boqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxaanu warbixin dheer ka siiyey xaalada guud ee dalka, iyo taariikhda Somaliland, isagoo u sharaxay hanaanka geediga horumarka, nabadgelyada, iyo dimuquraadiyadda Somamliland ku tallaabsatay, isla markaana waxa uu madaxweynuhu u caddeeyey weftiga mawqifka gooni isu taagga Somaliland, isagoo u soo jeediyey in dalka faransiisku gacan ka geysto sidii Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka.

IMG_0360Geesta kale madaxweynuhu isagoo ka duulaya doorka iyo dedaalka xukuumadiisu ugu jirto dar-dargelinta hawlaha qaranka wuxuu u sharxay qorshaha shanta sanno ee soo socda, oo ay qayb ka yihiin shaqo abuurka dhalinyarada, iyo horumarinta arrimaha bulshada.

madaxweynuhu waxa uu ka dal baday hay’adda mucaawimooyinka u qaabilsan dalka faransiiska ee loo soo gaabiyo (AFD) ay xafiis ku yeelato Somaliland, kuna soo biirto sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (SDF), ayna ka taageeraan Somaliland, sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka khayraadka baddaha.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxu u bandhigay weftiga xaaladda abaareed ee ka soo cusboonaatay xeebaha iyo gobolada dalka, waxaanu ku adkeeyey sidii ay gacan uga geysan lahaayeen duruufta abaareed, isagoo ku wargeliyey in horraanta sanadka 2019ka ay dalka ka qabsoomi doonaan doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka.

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu weftiga u sheegay in wada-hadalladii hore u dhex maray Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya dib loo bilaabi doono, Somaliland-na ay door bidayso in wadan dhex-dhexaada lagu qabto wada hadalada labada dhinac.

Weftiga dalka faransiiska ayaa dhinacooda madaxweynaha uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee uu u qaabilay, ugana warramay xaaladda guud ee dalka iyo qorshaha xukuumadiisa ee shanta sano ee soo socda, iyagoo ballan qaaday inay dhamaan wixii shirkaasi lagaga wada hadlay kula noqon doonaan dalkoodii, sida ugu dhakhsaha badana ay uga soo jawaabi-doonaan. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa.

Madaxweynaha Waxa kulanka Kala qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

Xubnaha Weftiguna waxay ka koobnaayeen

  1. Safiirka Faransiiska u qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Antoine Sivan,
  2. Emmanuel Dagon
  3. Colonel Ducharme,
  4. Abdehnor Brahmi
  5. Jean Pierre Tutin

ALLAA MAHAD LEH

 

  Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories