HomeHargeysa: Muwaadiniin Is-xilqaamay oo Booyado Biyo ah u Dhaamiyey Bulshada Tuulada Laalayska

Hargeysa: Muwaadiniin Is-xilqaamay oo Booyado Biyo ah u Dhaamiyey Bulshada Tuulada Laalayska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Muwaadiniin si iskood ah isku xil-qaamay ayaa booyado biyo ah u dhaamiyey bulshada ku dhaqan degaanka Laalayska oo ku yaal galbeedka magaalada Abaarso ee Gobolka Maroodijeex, kadib markii ay biyo la’aan xooggan soo food-saartay shacabka ku dhaqan deegaankaas.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) iyo aqoonyahan Kaysar Mahad Cumar oo ka soo jeeda degaanka Laalayska, ayaa si wada-jir ah uga hawlgalay Jimcihii maanta inay biyo-dhaamis ugu gurmadaan bulshada Laalayska, waxaanna biyahaas loogu shubay berked weyn ay dowladda Somaliland ka dhistay degaankaas, taasoo qayb ka ahayd mashaariic dowladda Jarmalku maalgelisay.

blank
Booyadda Biyaha Loogu dhaamiyey Laalayska

Hasayeeshee, biyaha loo dhaamiyey dadweynaha Tuulada Laalaysku maaha wax ku filan ama daboolaya baahiyaha biyo la’aaneed ee halkaas ka taagan, kadib markii aanay roobabkii xiliga Dayrtu aanay halkaas ka di’in, waxayna taasi keentay in biyo la’aantu saamayn xun ku yeelato dadka degaanka, halka sidoo kale ay degaanka ka jirto dhibaatooyin kala duwan oo la xidhiidha dhinaca adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaaluhu, waxaanna dhibaatooyinka biyo la’aanta ah sii xoojiyey, kadib markii ay xumaadeen qaarkoodna aasmeen ilaa 12 berkedood oo isugu jira beraago ay dadka degaanku si iskood ah u samaysteen, berked dadweynuhu wada lahaayeen oo aasantay iyo dhaam biyood dadweyne oo isna aasmay, kadib markii ay dadweynaha degaanku u waayeen awood ay ku dayactiraan, taageero kale oo dowladeedna aanay helin.

Dhinaca kale, degaanka Laalaysku waxa uu ka araddan yahay adeegyada bulshadu ee ay dowladdu masuulka ka tahay, mana jiro masuuliyiin dowladeed ama Hay’adaha dowliga ah oo halkaas tegay si ay wax uga soo ogaadaan baahiyaha haysta bulshada, marka laga reebo Wasiirka Horumarinta Beeraha oo halkaas dhawr jeer safar shaqo ku tegay, isagoo soo kormeeray mashruuca Biji oo ah mashruuc ay dowladda Jarmalku maalgelinayso oo wax lagaga qabanayo dooxyada khatarta ku ah beeraha degaanka.

Tuulada Laalayska waxa ku muransan degmooyinka Arabsiyo iyo Faraweyne oo mid walba cashuur ka qaado, balse aanay halkaas ka fulin wax adeegyo bulsho iyo kaabayaal horumarineed ah, waxayna dadweynaha degaanka Laalaysku u baahan yihiin gurmad dheeraad ah oo wax lagaga qabto dhibaatooyinka kala duwan ee haysta, uguna horayso baahida biyo la’aanta ahi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories