HomeHargeysa: Murashax Beeshiisu u caleemo-saartay inuu ku metelo Doorashado Rejada Qabsoomisteedu Cirka...

Hargeysa: Murashax Beeshiisu u caleemo-saartay inuu ku metelo Doorashado Rejada Qabsoomisteedu Cirka ku laalantahay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Beel ka mid ah Beelaha dega Koonfurta Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta munaasib laysku Arkay ku taageertay isla markaana kalsoonida ku siiyey inuu ku metelo doorashada Golaha Wakiillada Somaliland oo loo muddeeyey inay qabsoonto dabayaaqada sannadka dambe.

Xaflad ballaadhan oo ka dhacday Hotel Dalxiis ee magaalada hargaysa, ayaa Beesha Cabdi Ciise (Ciida-gale) ku caleemo saartay aqoonyahan da’yar oo lagu magacaabo Naasir Yuusuf Cismaan (Cirro) inuu u metelo beshooda doorashada golaha wakiilada ee soo socda oo uu ka mid noqon doono murashaxiinta Xisbiga UCID ugu tartami doona Kuraasida golaha Wakiillada ee gobolka Maroodijeex.

IMG_0132Waxaana munaasibadda ka soo qayb-galay Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo dhalinyarada Beesha Cabdi Ciise, masuuliyiin ka socda Xisbiga Mucaaradka ee UCID.

Xaaji Cabdi Waraabe oo ka mid ah Madax-dhaqameed iyo Waxgaradka Beesha xubno kale oo munaasibadda ka hadlay, ayaa dhammaantood iska daba maray sida beeshu u garab taagantahay Murashaxa Golaha Wakiialda Nasir Yuusuf Cismaan Iyagoo halkaasna ka ballan-qaaday in ay la barbartaagnaan doonaan Cudud .Dhaqaale Iyo Taageeraba Murashaxa Beesha Cabdi Ciise Ee Doorashooyinka Golaha Wakiilada.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay murashaxa u taagan doorashooyinka golaha wakiilada Naasir Yuusuf Cismaan oo sheegay in uu soo dhaweynayo taageerada ay beeshu u muujiso isla markaana shaaciyay in u taaganyahay jagada gudoomiyaha golaha wakiilada marka uu ku guuleysto doorashadaasi haddu alle idmo.

Doorashada Golaha Wakiillada iyo ta madaxweynaha ayaa loo muddeeyey inay qabsoomaan dabayaaqada sannadka dambe, haseyeeshee inta aanay doorashadu qabsoomin waxa dalka laga qabanayaa laba diiwaan-gelinood oo ta cod-bixiyeyaashu ku jirto, kuwaas oo xilligan diyaar-garow loogu jiro sidii loo qaban lahaa, iyada oo axsaabta iyo xukuumadduna isku raaceen illaa diiwaangelin la qabto in aan la qaban karin doorasho dalka ka dhacda.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories