HomeHargeysa: Munaasibad Xus iyo baroor-diiq loogu sameeyey Marxuum Dr Aadan Yuusuf Abokor

Hargeysa: Munaasibad Xus iyo baroor-diiq loogu sameeyey Marxuum Dr Aadan Yuusuf Abokor

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa xalay magaalada Hargeysa ku qabsoontay Munaasibad kulmisay haldoorka bulshada oo loogu baroor-diiqay Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo door weyn ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadeyntii dalka, kaas oo bishii hore ku geeriyooday dalka Turkiga, laguna aasay magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen dad ka kala socday heerarka kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa waxa ay dadkii ka hadlay munaasibadaasi ku dheeraadeen shakhsiyadii iyo dedaalkii uu dalka galiyey Dr. Aaden Yuusuf Abokor.

blank

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu ku dheeraaday doorkii uu dalka dib u dhiskiisa kulahaa Dr. Aaden Yuusuf Abokor iyo intii ay shakhsiyan is yaqaaneen dhacdooyinkii ay u soo wada joogeen.

“Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxa uu ahaa hoggaamiye bulshada saameyn ku leh, waxaanu ahaa qof intaanu is naqaanay aanan xasuusan isaga oo cadhoonaya, wakhti badana waxa uu galiyey dalkiisa iyo dadkiisa inuu dhiso” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

blankGuddoomiye ku xigeenka Dallada Haweenke NAGAAD oo munaasibadaasi khudbad ka jeedisay ayaa ka waran wakhti dheer oo ay Dr. Aadan aqoon isku lahaayeen, waxaanay xustay inuu wakhti badan galiyey u doodista dadka aan codka lahayn, si weyna uu u taageeri jiray haweenka iyo dhalinyarada.

“Dr. Aadan waxa aanu is baranay 20 sano ka hor waxa uu ahaa qof degan oo taageera dadka aan codka lahayn, waxaanu in badan is garab taagi jiray haweenka iyo dhalinyarada”.

blankXildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah xubnaha golaha Wakiilada Somaliland ayaa isna khudbad uu madasha ka jeediyey kaga sheekeeyey inta uu ka xasuusto Dr. Aadan Yuusuf Abokor.

“Dr. Aadan marka uu noogu yimaado golaha wakiilada waxa aan kaga hortagi jiray albaabka, waayo mar kasta waxa uu ahaa qof nagu kordhiya aragti iyo wax bulshada dan u ah” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Agaasimaha dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo isna munaasibadaasi khudbad kooban ka jeediyey ayaa waxa uu xusay in uu Dr. Aadan Yuusuf Abokor ahaa qof tiir u ah taageerada dadka aan codka lahayn iyo u tabarucaadka dalkiisa.

blankGuddoomiyaha Xuquuqul Iinsanka Qaranka Mujaahid Maxamed Baaruud oo ay Marxuum Aadan Yuusuf Abokor isku ahaayeen dhalinyaradii UFFO ayaa khudbad uu munaasibada ka jeediyey kaga waramay shakhsiyadiisii waxaanu xusay inuu ahaa dhiirigaliye weyn.

“Dr. Aadan wakhtigii aanu jeelka ku jirnay ee UFFO waxa uu noo ahaa dhiirigaliye weyn, waxaanu in badan qarankan galiyey dedaal badan dib u dhiskiisa”.

Maxamed Barwaani oo hore u ahaa agaasimaha dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayaa sheegay in Dr. Aadan ka mid ahaa dadkii seeska u ahaa ururo badan oo bulsho iyo dedaalo badan oo nabadaynta dalka ah, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Dr. Aadan waxa uu in badan ka qayb qaatay dhisitaanka ururo badan oo bulsho, sidoo kale dedaalo badan oo xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta dalka ah ayuu qayb weyn ku lahaa”.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko), Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Sacdiya Caalin oo ay Progressio Marxuumka ka wada hawlgali jireen, Sucad Ibraahim, Cali Guuleed iyo Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo munaasibaadi khudbado ka soo jeediyey ayaa waxa ay ku dheeraadeen doorkii iyo dedaalkii Dr. Aadan Yuusuf Abokor, iyaga oo Marxuumka ALLE uga baryey inuu naxariistiisa Jano ugu deeqo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories