HomeHargeysa: Munaasibad Laysku Arkay oo lagu Caleemo-saaray Suldaan Cusub, looguna duceeyey Marxuum...

Hargeysa: Munaasibad Laysku Arkay oo lagu Caleemo-saaray Suldaan Cusub, looguna duceeyey Marxuum Suldaan Xandulle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo isugu jirtay in loo duceeyo Allaah ha u naxariisatee Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle oo toddobaadkan ku geeriyooday, laguna aasay Hargeysa iyo in la shaaciyo caleemo-saarka suldaanka cusub ee xilkaas la wareegay, ayaa lagu qabtay Caasimadda Hargeysa maanta.

Munaasibaddan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay waxa ka qaybgalay Salaadiin iyo xubno isugu jiray madax-dhaqameedyo ka kala socday degaanno kala duwan oo dalka ah, mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, siyaasiyiin iyo dadweyne badan oo munaasibadda lagu martiqaaday.

Ugu horayn suxufi Ismaaciil Cali Axmed oo madasha hadal jeediyey, ayaa iftiimiyey ujeedada laga leeyahay munaasibadda la isugu yimid, waxaannu yidhi; “Ujeedada aynu isugu nimid madashani waxa weeye in loo duceeyo marxuumka geeriyooday oo ah Allaah ha u naxariistee Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle iyo in la shaaciyo saldanadda dhaxalka ah oo uu xilkeeda qaban doono Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle, iyadoo caleemo-saarka suldaanka cusub ay ka dhici doonto degmada Sheekh iyo degaannada hoos yimaadda.”

Waxa kale oo munaasibaddaaa hadallo ka jeediyey siyàasiyiin, madax-dhaqameedyo, mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland iyo hal-door kale ay ka mid yihiin Suldaan Xasan Saleeban Nuur Askar, Suldaan Ismaaciil Sheekh Cumar Xasan, Ugaas Maxamed Cabdillaahi Ibraahim, Suldaan Cumar Ibraahim Maxamuud, Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cali, Suldaan Cabdillaahi Xirsi Dhuux-yara, Suldaan Maxamed Maxamuud Xirsi, Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hure, Boqor Maxamuud Cismaan Nuur, Boqor Maxamed Nuux, Suldaan Saxaradiid Kaahin, Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen, Chief Caaqil Asad Xuseen Libaax, Chief Caaqil Axmed Ibraahim Ilbir, Suxufi Axmed Siciid Cige, Cabdalle Maxamed Carab (Cabdle Sandheere), Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne), Mudane Maxamed faarax Qabille, Mudane Siciid Cilmi Rooble, Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar), Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdule (Yuusuf Shaacir), Cismaan Xuseen Gurxan, Kayad Cabdillaahi Xandule, Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole), Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor), Ayaanle Suldaan Maxamed iyo Maxamuud Xandule, kuwàas oo dhammaantood si isku mid ah ugu duceeyey Allaah ha u naxariisatee Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle oo ay ku sifeeyeen inuu ahaa addoon Ilaahay oo wanaagsan, dhaqan iyo dad-yaqàan ahaa, iyagoo xusay in muddada uu noolaa uu kaalin weyn ka soo qaatay dib-u-dhiska iyo nabadaynta dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena kaalin uu ku lahaa isku xidhka iyo walaalaynta bulshada reer Somaliland.

 

Geesta kale, waxa u duceeyeen wiilka lagu wareejiyay cumaamaddii saldanadda oo ah Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle oo ay sheegeen in si guud loogu caleemo-saari doono degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, waxayna kula dardaarmeen inuu halkii ka sii wado xilkii dhaqan ee uu Aabbihii u hayay bulshada degaankiisa.

Madax-dhaqameedka iyo hal-doorka kale ee madasha ka hadlay, ayaa sidoo kale la dardaarmay reerka uu suldaanka u ahaa marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle oo ay ka codsadeen inay la shaqeeyaan, hadalkiisa iyo waanooyinkiisana dhegaystaan Suldaanka cusub ee dhaxlay xilkii Aabbihii hayey oo ah Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle, waxayna xubnaha hadlay ballanqaadeen inay la shaqayn doonaan suldaanka cusub oo ah marka la caleemo-saaro noqon doona suldaan dhallinyaro ah oo u baahan in si fiican loola shaqeeyo.

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank
blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank
blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank
Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories