HomeHARGEYSA: Munaasibad lagu Xusay Maalinta Dhalashada Nebi Maxamed (NNKHA) oo Kulmisay Boqolaal...

HARGEYSA: Munaasibad lagu Xusay Maalinta Dhalashada Nebi Maxamed (NNKHA) oo Kulmisay Boqolaal Qof (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) Iyada oo ay maanta ku beegan tahay Xuska Dhalashada Nebiga (NNKHA) isla markaana Dunida Islaamka badankooda laga xusay maalintan, waxa munaasibado lagu weynaynayo Dhalashada Nebi Muxammad (NNKHA) lagu qabtay dalka, gaar ahaan waxa magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo kulmisay kumanaan isugu jira Masuuliyiin, culimo iyo dadweyne tirobadan.

1Munaasibadan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qayb-galeen boqolaal oo isugu jira bulshada qaybaheeda kala duwan isla markaana ay soo qabanqaabiyeen Jamciyatul Axbaab Iyo Xildhibaan Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Wakiilada, waxa ugu horeyn ka hadlay Sheekh Cabdiraxmaan Aw-Faarax oo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Axbaabta Rasuulka ee halkan isugu timi dhamaantiin waxaan idin leeyahay nabad galyo kor kiina ha ahaato salaam ka dib goobaha ama xafladaha caalamka la iskugu imaado ta ugu fadliga badani waa tan. ILAAHAY ayaa fadligii Rasuulkeena Subaanaa (NNKHA) inooga waramay kuwa ka soo hor jeesta hoog iyo halaag ayay la kulmi donaan kuwa raacaan kitaabka ayay midigta ka qaadan doonaan ayuu sheikh Cabdiraxmaan ku soo gabgabeeyay hadalkisii,” ayuu yidh Sheekh Cabdiraxmana.

2Sidoo kale waxa halkaa hadalo waano iyo wacdi isugu jira ka jeediyay Xildhibaan Axmed yaasin Sh Cali Ayaanle, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Dhamaanteen Waxan halkan u fadhinaa iyadoo inaga run tahay in aan waynayno Rasulkenii Subanaa (NNKHA) hadab waxa weeye in aan marwalba ku celelino hadal haynta Rasuulkenii Subanaa Rasuulkenii waxa u yimi Cali oo waxa uu ku yidhi Rasuul Allow Xaaskayga Caruurtayda iyo Waalidiintayba Marka laga reebo naftayda waan ka jeclahay Markaasu rasuulku ku yidhi, wali iimaankaagu taam maah markii dambe ayuu ku yidhi Naftaydan waan kaa jeclahay Rasuulku markaasu yidhi imikaa iimaankaagu taam yahay markaa waa in ay muxubada Rasuulku halkaa inaga gaadhaa innaga.”

3Siyaasi Aadan Ruush oo ka tirsan Xisbiga Mmucaaridka ah ee WADDANI oo halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi, “Kolay culimadaa dhamaysay oo anagu waxba kama daba odhanmaynee anaguna waxa aanu leenahay waa in aynu u dhago nuglanaa waynaynta Xabiibkenii (NNKHA) Laakin mid aan siyaasadsadaysnayn. Xukuumada waxaan sheegayaa waxa jiro iskuulo ama jaamacado la dhiganayo kuwaan waa in waxa laga qabtaa waayo xeerkeenu waxa uu leeyahay dhamaan dalku waa fasax.”

6Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo munaasibadda ka qayb-galay, ayaa hadal uu ka jeediyey madashaas ku sheegay,“Waa Illaahay mahaddii waxa maanta isugu nimi dhalasha waynaynta xabiibkenii Subanaa oo waxa makhraati ah in dhamaanteen muxubbo iyo kalgacal u qabno Rasuulkeenii Subbanaa, waayo inteenaas oo qof ayaa halkaa isugu yimi iyagoo ka go’antay in aan waynayno .”

87Gunaanadkii munaasibadda waxa ka hadlay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxaanu yidhi, “Runtii waa maalin qiimo leh Siyaasiyiintana hadal badani halkan ugama wanaagsan waa maalintii culimada waxaan aad ugu mahad-naqayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay xafladan,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Munaasibadda ayaa intii ay socotay, waxa laga akhriyey qasaa’id lagu ammaanayo Nebi Muxamed (NNKHA).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories