HomeHargeysa: Munaasibad lagu soo bandhigay Buug Xambaarsan Macluumaadka Muhiim ah

Hargeysa: Munaasibad lagu soo bandhigay Buug Xambaarsan Macluumaadka Muhiim ah

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad loo sameeyey Bandhigga Buugga cusub ee Faraadin oo ay qortay Samsam Jaamac Muxumed oo ah Gabadh Dhakhtarad ah, ayaa xalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladda loo sameeyey Bandhigga Buugga Faraadin, waxaa ka qaybgalay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Masuuliyiin Xisbiyada Siyaasadda ka socday, Qorayaal, Abwaanno, Agaasimayaal guud, Madaxda Shirkado ganacsi iyo Ururrada iyo Dalladaha Ururrada Bulshada, Culimo, Haween iyo dhalinyaro, mudan iyo marti-sharaf kale oo badan.

Buuggan la soo bandhigay, ayaa sita magaca Faraadin oo ah magac dhaqan, isla markaana Soomaalidu u taqaanno Dhakhtarka Miyiga amma Qofka Khabiirka ku ah dawo dhaqameedka ee aan aqoon caafimaad baran, balse waayo-aragnimo iyo garasho ku daweeya Dadka, gaar ahaan qofka aadka u yaqaanna kabista, gurista iyo dawaynta lafaha.

blank
Bandhigga Buugga Faraadin

Nuxurka Buugga Faraadin sido, ayaa ah aqoon caafimaad iyo wacyigelin ay Qoraaagu bulshada kaga wacyigelinayso ku-tidhi-ku-teenka la xidhiidha arrimaha caafimaadka, xanuunka iyo is-ticmaalka dawooyinka iyo farsamooyinka u badan kuwa dhaqanka ee aan Saynis ahaan ku soo aroorin aqoonta Sayniska iyo caafimaadka dunidu casrigan u guurtay.

Ugu horreyn falanqayn lagu bilaabay munaasibaddaas, waxaa ka hadlay Samsam Jaamac Muxumed oo wax laga weydiiyey ujeeddada ay Buugga u qortay iyo nuxurkiisa, waxaanay sheegtay inay Buuggan go’aansatay qoraalkiisa bilawga 2017-kii, markii ay muddo sannado ah ka shaqaynaysay cusbitaallada dalka qaarkood waxbarashadii ka dib, isla markaana muddo ku hawlanayd wacyigelinta bulshada ee Miyi iyo Magaalaba, ogaatayna wax badan oo la qalad fahmay oo Dadweynaha in badan oo aan aqoon caafimaad lahayn amba goobo caafimaad la xidhiidhini aammineen.

Samsam waxay sheegtay muddada Buuggu ku qaatay inay intii hore weyday tix-raac iyo Buugaag hore oo laga qoray mawduucan oo kale, isla markaana ay wakhti ku qaadatay helitaanka xogta Buugga ku qoran, balse nasiib wanaag ay ku guulaysatay inay wax badan oo ay muhiim u aragtay in bulshada laga wacyigeliyo iyo wax ay tahay in loo tilmaamo oo badbaadada bulshada ka mid ah ay ku soo ururisay Buuggeeda Faraadin.

Dhakhtar Maryan oo Buugga soo akhriday, Qoraa Xasan Cabdi Madar iyo Abwaan Axmed Aw-Geeddi oo isagu magaca Buugga bixiyey, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay bogaadiyeen Qoraaga Buugga oo ay ku ammaaneen sida ay aqoonteeda caafimaad ee ay baratay, kuna shaqayso ugaga faa’iidaysay Bulshada ee ay qoraalka ugu beddeshay.

Masuuliyiiin ku hadlayey afka Dalladaha iyo Ururrada Bulshada, Shirkadaha Ganacsiga iyo Jaamacadaha dalka qaarkood, ayaa iyaguna Bandhiggaas ka hadlay, isla markaana bogaadiyey Qoraaga Buugga, iyaga oo halkaas ka ballan-qaaday tirada Buugaagta ay ka iibsanayaan, si ay u dhiirrigeliyaan Gabadha Dhakhtaradda ah ee Buugga Faraadin qortay.

Sidoo kale, Agaasimeyaasha Wasaaradaha Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, Macdanta iyo Tamarta Maxamed Yuusuf, ayaa iyaguna soo dhaweeyey Buuggan oo ay tilmaameen inuu yahay mid Bulshadu u baahan tahay, maaddaama oo uu sido tilmaamo togan oo caafimaad iyo talooyin Qoraagu kaga bixinayso qalad fahanka iyo ku-tidhi-ku-teenka loo adeegsado arrimaha caafimaadka wax badan oo ka mid ah.

Wasiirrada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Cabdiweli Sheekh Muxumed Suufi, Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Mahadsi Cismaan Buuri, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa iyaguna Bandhigga Buuggaas ka hadlay, waxaanay ka warrameen macnaha magaca Faraadin iyo sidoo kale muhiimadda ay leedahay in aqoonta Bulshada looga faa’iideeyo, iyagoo bogaadiyey Qoraaga Buugga Samsam Jaamac oo ay tilmaameen inay samaysay dedaal ku dayasho iyo dhiirrigelin mudan, iyagoo ballan-qaaday tirada Buugaagta ay ka iibsanayaan.

Dad badan oo ka soo qaybgalay Bandhigga Buugga Faraadin, ayaa iyaguna Hoolka Xafladdu ka socotay ka iibsanayey Buugga oo u muuqday mid akhriskiisa aad loo danaynayey, maaddaama oo uu xambaarsan yahay macluumaad caafimaad iyo ka digista waxyaabaha caafimaadka amma dabiibka Aadamaha, gaar ahaan bulshadeenna saamaynta ku leh.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories