HomeHARGEYSA: Munaasibad lagu Daah-furay Buug loogu Wan-qalay HALBEEGGA NOLOSHA iyo Jewigii Madasha

HARGEYSA: Munaasibad lagu Daah-furay Buug loogu Wan-qalay HALBEEGGA NOLOSHA iyo Jewigii Madasha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Buug loogu wan-qalay HALBEEGGA NOLOSHA oo uu qalinka U qaatay Qoraa da’yar oo lagu magacaabo Maxamed Cabdikariim Axmed, ayaa xalay lagu soo bandhigay munaasibad daah-furkiisa loogu qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda loo qabtay daah-furka buugga oo ay soo qaban-qaabiyeen Akedamiyadda Akhrista ee HIMILO, waxa ka qayb-galay Dhalinyaro u badan Bahda Qalin-leyda, Naadiyada Akhriska iyo Marti-sharaf kale.

Jewigii Munaasibadda lagu Daah-furay Buugga waxa warbixintan hoose oo uu Ciwaan uga dhigay “Buugga Halbeegga Nolosha: Bandhig Cajiib Ah Iyo Buug Miisaan Leh”ka diyaariyey Weriye Caydaruus Sheekh Cumar Geeddi oo munaasibadda ka qayb-galay.

Bandhiga buuga Halbeega Nolosha“Fiidnimadii 18-ka Bishan December, waxaan nasiib u yeeshay inaan kamid noqdo boqolaalkii qof ee ka soo xaadiray bandhiga buug cajiib ah oo uu qoray wiil dhallin yaro, cabqari ah, Eebena saree oo hufnaaye ku galladay maskax uu sidii ay ahayd u isticmaalayo.

Dhamaan dadkii ka soo qayb gallay waxay ahaayeen dhallin yaro, da’dooda u weyni afartankii ku dhex jirto, ma garan karo sababta dadkii waaweynaa ka reebtay ka soo qayb gallka xafladdaha qiimaha badan ee Akhriska iyo qoraalka lagu dhiirigalliya.

Buuggan oo sida magaciisa ka muuqata dulucdiisu xambaarsan tahay – nolosha iyo waxyaabaha ku xeeran, marka aad dhex mushaaxdana aanad ka gayoonayn, sida xeesha dheer ee uu qoraagu ugu lafa guray dabeecadaha aadamaha , maamulka wanaagsan, qabiilka iyo foolxumadiisa iyo arimo badan oo xiise-hooda iyo xadantadoodaba leh, waxaanan marna ilaabi kari cinwaan yarrihii Buugaas oo ahaa halku dheg caan ah ama maah maah Soomaaliyeed oo odhanaysa ‘Awr Xamilkii wuu Qaadi Karaa – Xadhig Qaloocase Ma Qaado’.

Dadkii madasha ka soo qayb gallay oo u badnaa qore-yaal , iyo aqoon yahanoba, intii wakhtigu u saamaxay inay weedhooda ka dhiibtaan macnaha iyo xogta ku duugan buugu, waxay dhamaantood ka marag kaceen, inuu ugu horeyn buugani ku biirayo, qoraalo tiro yar oo laga qorey Nolosha, mar labaadkana yahay buug qoraalada uu sido qoraagu saldhig iyo Tix-raac sugan uu uga dhigay, Axaadiis iyo aayado quraan ah.

Akademiyada Akhriska Iyo Qoraalka Himilo oo ahayd cidda Bandhiga u qabatay Buugan , waxay ahaayeen iyaguna dhallinyaro aan ahayn macaash doon laakiin u istaagay inay dhiiri galliyaan kaliya qoraalka iyo akhriska luuqadooda Hooyo.

Waa Unnug siday sheegeen xataa kharashka jeebkooda ku bixiya sidii ay u helli lahaayeen dhallin yaro iyo waayeel cid si uun u cabirta hibada eebe ku galladay ee ku kaydsan maankooda.

DAAWO MUUQAALKA & WEEDHA QORAAGA BUUGGA

Maxamed Cabdikariim-na dhib kasta iyo daal kasta oo ka soo maray shaqaddii, wakhtigii iyo waayihii qoritaanka kitaabka Halbeega Nolosha, kaas oo inta aan ogahay la qaba buugaagta dhigiisa ah , faro yaraanta dadka ka faa’iidaysanaya , haddana waxaa hubaal ah inuu mar ay noqotaba helli doono jiil dhamaantood u heelan wax akhrinta.

Guntii iyo gunaanadkii , Buuga Halbeega Noloshu , waa mid u qalma aan odhan karo wuu ka qiimo badan yahay qiimaha yar ee Qoraagu ugu tallo gallay in shacabkiisa afka Soomaaliga ku hadlaa kaga helli karaan Goobaha lagu iibiyo buugta.”

Caydaruus Sheekh Cumar Geedi
Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories