HomeHARGEYSA: Munaasibad dareen-celin iyo dardaaran isugu jirta oo loo sameeyey Agaasimaha cusub...

HARGEYSA: Munaasibad dareen-celin iyo dardaaran isugu jirta oo loo sameeyey Agaasimaha cusub ee Wasaarada Gaashaan-dhiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida dhismaha Dugsiga Lafo-islaamood oo ay weheliyaan xubno kamida Guddida horumarinta Beesha Toljecle ee TALO-SAME, ayaa munaasibad afur ah oo ku maamusayaan u sameeyey Agaasimaha Guud ee cusub ee Wasaarada Gaashaan-dhiga Somaliland loo magacaabay Jamaal Cabdilaahi Muxumed, kaasoo xubin ka ahaa Guddidaas.

Munaasibada oo ka dhacday Hotel Cali Jirde ee Magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Talo-same, Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Dugsiga Lafo-islaamood, xubin kamida Guddida Diwaan-gelinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, Ganacsato iyo Culimo-aw-diin iyo Waxgarad kale.

talosame-agaasimSheekh Cabdilaahi Ibraahim Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Dugsiga Lafo-islaamood oo munaasibadaas ka hadlay, ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan magacaabista Masuulkan oo markii horena xubin kamida ahaa, uguna ducaynayaan inuu alle xilkaa u fududeeyo, isagoo xusay in Agasime Jamaal uu yahay Nin xil-kas ah oo ay ku kalsoonyihiin inuu ka soo bixi doono xilkaas uu qaranka u qabtay.

Waxa uu sheegay inay Madaxweynaha iyo cid kastoo ka qayb-qaadatay meel-marinta magacaabistiisa uga mahad-celinayaan, si gaar ahna wuxuu ugu mahad-naqay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wasiirka Madaxtooyada oo uu ku bogaadiyey aqbaalada dalabkii ay Guddida Talo-same iyo waxgaradka Beeshu u gudbiyeen, isagoo xusay inay rejaynayaan inay fulaan balan-qaadyo kale oo ay dawladda u gudbiyeen oo ku lamaanaa Tabashooyinka dhinaca Saamiga ee ay Beeshu tirsanaysay.

“Jamaal Cabdilaahi Muxumed, wuxuu ahaa Xoghayaha Guddida. xil  qaran ayaa loo magacaabay, sidaas darteed waxaan kula dardaarmaynaa inuu xilkaa loo magacaabay u guto si daacadnimo iyo Karti leh, noqdona masuul isku-xidha Beesha iyo Dawladda oo aan runtii isku xidhnayn, waanan ugu ducaynaynaa inuu alle shaqada u fududdeeyo, mansabkaa qaran ee waliba kamida Hay’addihii ugu miisaanka cuslaa dalka, Madaxweynaha iyo cid kastoo gacan ka geysatayna waanu uga mahad-naqaynaa” ayuu yidhi Cabdilaahi Ibraahim Yuusuf.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Talo-same Axmed Xuseen Furre, oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay ka guddi ahaan soo dhaweynayaan masuulkan cusub ee la magacaabay, ugana mahad-naqayaan Magacaabistiisa Madaxweynaha. Waxa uu tilmaamay in Guddida Talo-same dawladda kala hadashay sidii ay Beeshu u heli lahayd xuquuqdeeda siyaasaddeed, hadday tahay dhinaca Saamiga xilalka sare iyo hadday tahay dhanka shaqaalahaba, una arkaan magacaabista sarkaalkan bilowga jawaab-celinta tabashada Beesha “ Guddida Talo-same waxyaabihii ay dawladda kala hadashay wali fari kama qodna, waanan sugaynaa Jamaal iyo kuwa kaleba in la magacaabo, waxaanan rajeynayaa in Madaxweynuhu fulin doono waxyaabihii kale ee aanu ka codsanay, Jamaalna waanu soo dhaweynaynaa waanan u ducaynaynaa” ayuu yidhi Axmed Xuseen Furre.

Ismaaciil Macalin oo kamida Guddida Diwaan-gelinta Ururrada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka oo isna munaasibada ka hadlay, ayaa sheegay inay masuulkan cusub ku soo dhaweynayaan saaxada maamulka Dawladda dhexe, kana rejaynayaan xil-gudasho iyo karti hor leh, hormuudna u noqdo isku-xidhka Beesha iyo madaxda Dawladda ugu jira ee uu ku soo biiray.

talosamegaasMujaahid Maxamed Indha-case, Oday Siciid Aw Muuse, Axmed Macalin,  Ganacsade Aw Siciid, Ganacsade Xasan Cabdilaahi Cawad iyo Eng. Axmed Sheikh Cabdi Geelle oo munaasibaddaas hadallo ka jeediyey, ayaa dhamaantood duco iyo dardaaran isku mida u jeediyey Agaasimaha cusub, waxaanay ku booriyeen inuu muujiyo masuuliyad iyo maamul-wanaag, kuna shaqeeyo siyaasadda Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya, doorkiisana ka qaato dedaalka ay Beeshu ugu jirto helida xuquuqda kaga maqan dawladda.

Dhinaca kale, waxay xubnaha munaasibada ka hadlay duco iyo bogaadin u jeediyeen Wasiir-u-dawlaha cusub ee Wasaarada Macdanta Yuusuf Cismaan Garas oo ay alle uga baryeen in isna alle xilka cusub u fududeeyo, iyagoo si guudna Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugaga mahad-celiyey magacaabista labadan masuul.

Gabagabadii, waxa xafladaas ka hadlay Agaasime Jamaal Cabdilaahi Muxumed oo isna dhankiisa ka dareen celiyey munaasibada lagu maamusay iyo tallooyinka loo jeediyey, waxaanu sheegay inuu ayidi  doono dardaaranka ay u soo jeediyeen waayeelka iyo waxgaradka halkaa ka hadlay, isla markaana uu xilka loo magacaabay ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah.

Agaasime Jamaal, ayaa intaa ku daray inuu dareenka tabasho la qabo Beesha uu ka soo jeedo, intii dedaalkiisu gaadhsiiyana uu ka qayb-qaadan doono sidii uu meesha uga saari lahaa “waxaynu nahay Beesha 25-ka sannadood ee ay Somaliland jirtay ku samraysay inay xuquuqdeeda gaarka ah uga tanaasusho in Somaliland dhisanto ee aan marna laga maqal waxbaa naga maqan, iyadoo taasi jirtay waxaan ku dedaali doonaa inaan idinla wadaago sidii sedkaa Beesha ka maqan loo heli lahaa” ayuu yidhi,waxaanu alle ka baryey inuu xilka u fududeeyo.

Agaasime Jamaal Cabdilaahi Muxumed oo ah Nin dhalinyaro ah oo muddo dheer ka soo shaqeynayey Hay’addaha Dawladda, isla markaana hore uga shaqeynayey Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka, ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaan-dhiga Somaliland lixdii Bishan June.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories