HomeHargeysa: Munaasibad Dad badan Kulmisay oo lagu Caleemo-saaray UGAAS Beesha Cabdalle Sacad...

Hargeysa: Munaasibad Dad badan Kulmisay oo lagu Caleemo-saaray UGAAS Beesha Cabdalle Sacad yeelanayaan [SAWIRRO]

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Beesha Cabdalla Sacad (Sacad Muuse) oo ka mid ah degaanka Hargeysa, ayaa shalay ugaas cusub u caleemo-saaray Ugaas Cabdillaahi Cabdi Xasan (Xawaareeye), kaas oo loo sameeyey xaflad meeqaam sare leh.

blankXaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay marti-sharaf tiro badan oo isugu jirta siyaasiyiin ka kala tirsan dawladda iyo axsaabta, xildhibaanno, wefti masuuliyiin reer Jabuuti ah oo dalka booqasho ku jooga, madaxdhaqameed fara badan oo isugu jira salaadiin iyo boqorro, culimaa’udiin iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Xubno ka mid ah guddigii qabanqaabada xafladda caleemo-saarka Ugaaska oo ka hadlay furitaankii xafladda ayaa ka warramay qaabkii loo maray xulista ugaaska oo ay tilmaameen inuu ku yimi go’aan ay u dhantahay beesha Cabdalla Sacad. Waxa kale oo ay mahadnaq u jeediyeen marti sharafta kala duwan ee ka qaybgalay xafladdaasi.

blankSuldaan guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Cabdillaahi oo xafladdaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey, hambalyeeyeyna ugaaska cusub oo uu xusay inuu si rasmi ah u oggolaaday, kana mid noqday salaadiinta beeshiisa iyo kuwa reer Somaliland-ba.

blank“Aniga oo kelmadii dhaqanka ee afkii saldanada guud ee beesha Subeer Awal ee faca weyn ee taariikhda dheeree 200 sanno iyo jarjarka soo jirtay ku hadlaya waxaan leeyahay hambalyo hambalyo Ugaaska cusub. Waxaana aqbalay oo aan qalbi furan ku saxeexayaa, kuna soo dhaweynayaa go’aanka beesha Cabdalla Sacad ay ugu garteen Ugaas Cabdillaahi Cabdi Xasan oo aan leeyahay waan guddoomay, waxaan ku soo dhaweynayaa qalbi furan iyo gacmo furan,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Sul. Cabdiraxmaan.

“Haddaan ka warramo taariikhda ugaaska cusub run ahaantii kuma cusba bahda dhaqanka ee jad ka jad ayuu ka soo jeedaa dhaqanka, ugaas cabdilaahi bay noqotay aabihii iyo awowogii oo ay garab fadhiyeen oo talada la soo goyn jireen oo ay la soo bislayn jireen, geedkana la fadhiyi jireen, waa taariikh soo taxnayd oo xagga dhaqanka kuma cusba Ugaasku ee wuxuu ku abtirsaday bahda dhaqanka, waxaannu leenahay gacmo furan ku soo dhawow.”

blankWaxa kale oo Suldaanka guud ka hadlay taariikhda beesha Cabdalla Sacad, waxaannu yidhi, “Haddii aan ka yara warramo taariikhda beesha Cabdalla Sacad sharraxaad dheer inoogama baahna, doorka weyn ee ay ku leeyihiin dadkan iyo dalkan, hadday tahay taariikhdii halganka, hadday tahay taariikhihii sooyaalkii ama halgamadii kala dambeeyey ee dalkan loo soo maray taariikhda ay beeshu ku leedahay mid aynu isku sharraxayno maaha, lafdhabar ayay u ahayd marxaladii la soo maray ee aynu maanta isku sharaxayno iyo sharafba ee Somaliland ay ku naaloonayso ayey hormood ka ahayd sida beelaha kale ee waaweyn ee ama Subeeer Awal ha noqdaan ama Somaliland ha noqdaane.”

blankUgaaska cusub ee la caleemo-saaray Ugaas Cabdillaahi Cabdi Xasan (Xawaareeye) oo khudbad kooban ku soo gunnaanaday munaasibadda, ayaa u mahadceliyey dadweynihii iyo madaxdii ka qaybgashay caleemo-saarkiisa, isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay weftiga reer Jabuuti.

blank“Ummadda walaalahay ah ee meelwalba ka timi dalka barigiisa iyo galbeedkiisa ilaa hawdkiisa ee reer Somaliland ah, waxaan idinku soo dhaweynayaa kash iyo laab iyo walaalnimo iyo niyadsan, waxaan soo dhaweynayaa oo aanan weligay Ilaabayn oo qalbigana aan marnaba ka baxayn walaalahayga reer Djibouti ee nooc walba leh, waxaan ku soo dhaweynayaa wehelkaygiiyoow wadnahaygiiyow, waaxyahaygiiyow cadowgiin ha wiiqmo, waxaan si gaar ah u soo dhoweynayaa marwada kowaad ee Jabuuti Khadra Xayd oo diyaarad soo saartay Keegaa quruxda badan iyo alaabooyin kale oo badan waxaan leeyahay dad iyo xoolaba barakow,” ayuu yidhi Ugaas Cabdillaahi Xawaareeye.

blankUgaasku waxa uu ka hadlay xilka loo caleemo-saaray, “Anigu ma noqonayo sidii aabahay iyo adeerkay ahaayeen, waanse xasuusnaan doonaa sida ay u socon jireen, sida ay u hadli jireen, waxaan xasuusnaan doonaa salaadiintii aan ugu garaadsaday Hargeysa Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi, garaadkii Warsangali iyo garaadadii Dhulbahante, waxaan xasuusnaan doonaa ugaasyadii iyo salaaadiintii reer Awdal oo aannu wada saaxiib nahay kuwa iminka nool, waxaan leeyahay reerka aan ka dhashay ee Cabdalla Sacad way i keeneen laakiin waxaan ahay nin reer Somaliland oo dhan u noqon doona ugaas, waxaan ugaas u noqon doonaa waalahayga reer jabuuti oo dadkayga iyo saaxibaday ku noolyihiin, waxaan ugaas u noqon doona walaalahayga kililka ku nool, waxaan damin doonaa colaadaha iyo dhibaatooyinka jira,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Ugaas Xawaareeye.

blankWaxa kale oo iyaguna xafladaasi caleemo-saarka Ugaaska cusub ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo garaadka garaadda beelaha Sool Garaad Rashiid iyo weliba Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal Marwo Kaltuun X. Daahir, kuwaas oo soo dhaweeyey Ugaas Cabdillaahi Xawaareeye oo ay ugu duceeyeen in Alle u sakhirro xilka la saaray, iyagoo beesha iyo bulshadana u soo jeediyey inay la shaqeeyaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories