HomeHargeysa: Mudaharaad ka Dhashay Hawl-gal Ciidamo Sameeyeen Xaafadda Xawaadle

Hargeysa: Mudaharaad ka Dhashay Hawl-gal Ciidamo Sameeyeen Xaafadda Xawaadle

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamo Boolis ah ooh awl-gal bartilmeedsan u socday, ayaa saaka subaxnimadii ka dul-dagay isla markaana xoog ku galay guri ku yaala xaafadda Xawaadle ee degmada 26 June ee magaalada Hargeysa,  halkaas ay ku doonayeen inay ku qabtaan wiil dhalinyaro ah oo loo aanaynayey inuu ka mid ahaa koox dhalinyaro oo xaalado ammaan-darro wakhtiyada habeenkii ka geysta shaaracyada xaafadaha qaarkood.

Haseyeeshee, ciidamada booliska oo ku hungoobay qabashada wiilkaas oo aan wakhtigaas ku sugneyd xaafaddooda, ayaa beddelkiisa isku dayey inay xidhaan waalidka wiilkaas dhalinyarada ah, gaar ahaan hooyadii oo wakhtigaas diyaarinaysa Quraacda qoyska, taas oo sida la sheegay ay ula dhaqmeen sifo hab-dhaqanka suubban baalmarsan isla markaana ay xoog ku saareen baabuur ay wateen.

Balse dadkii jaarka la ahaa qoyska hawl-galka lagu fuliyey, ayaa ka cadhooday hab-dhaqanka ciidamada boolisku kula kaceen hooyada qoyska, kuwaas oo markiiba ku gadooday ciidankii booliska ahaa isla markaana taayirro ku gubay jidka dhexmara xaafadaha oo ku darsama waddamada laamida ah ee Idaacadda iyo Xero-awr u dhexeeya isla markaana ay xidheen dhammaan waddooyinka xaafaddaas soo gala, taas oo sababtay inuu xidhmo isu-socodkii xaafaddaasi.

Boqolaal Booliis ah oo ka laga soo kala ururiyey Saldhigyada booliska magaalada Hargeysa iyo ciidamada u tabobaran hawl-gallada gaarka ah ee RRU oo ay weheliyeen booyado biyo ah oo loogu talo-galay deminta dabka ka kacay Taayirrada la gubay, ayaa birmad ku gaadhay xaafaddaas, halkaas oo ay ka fuliyeen hawl-gallo lagu qab-qabtay dhalinyaro tiro badan iyo dumar lagu tuhmay inay maleegeen mudaharaadkaas.

Hawl-galkan oo socday muddo saacado ah, ayaa u muuqday mid ciidanka boolisku kaga jawaab-celinayey mudaharaadka dadka xaafaddu kaga hortagay hab-dhaqanka ay kula kaceen hooyada qoyska wiilkooda la baadi-doonayey, kaas oo mar kaliya isu-beddelay weerar hawl-galkiisu ku baahay dhammaan xaafadaha.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories