HomeHargeysa: Mid ka mid ah Xarumaha ugu Waaweyn Sheybaadhka Caafimaadka oo Gubatay...

Hargeysa: Mid ka mid ah Xarumaha ugu Waaweyn Sheybaadhka Caafimaadka oo Gubatay iyo Gurmadkii Ciidanka Dab-demiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dabxooggan ayaa xalay saqdii Dhexe ka kacay oo qabsaday Xarunta Caafimaadka ee Hayat Diagnostic Center ee magaalada Hargeysa, waxaana deminta dabka ka kacay goobtan ka hawl-galay ciidanka Dab-demiska Qaranka.

blankHayat Diagnostic Center oo ayaa ka mid ah Xarumo faro-ku-tiris ah oo ku Shaqeeya Sheybaadhada kala duwan ee dhinaca Caafimaadka ee ku yaalla magaalada Hargeysa, gaar ahaan ka soo horjeedka Sinimoogii hore ee Hargeysa.

Dabka ayaa Abaaro 2-dii Habeenimo ee Saqdii Dhexe ee Xalay ka kacay Xarunta Caafimaadka ee Hayat, waxaana markii u  soo gurmaday Ciidanka Dab-demiska oo gurmad ballaadhan ka geystay deminta dabka, iyadoo hawl-galkaas la soo gebo-gabeeyey abbaaro 6-dii subaxnimo ee Saaka, sida ay sheegeen Ciidanka Dab-demisku.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Ciidanka Dab-demiska Qaranka oo lagu faahfaahiyey qaabkii ay ciidanku uga hawl-galeen iyo baaxadda Dabka qabsaday goobta, ayaa u qornaa sidan:-

“Abaaro 2:45 ee habeenimadii xalay ayaa dab xoogan ka kacay goobta sawirada Caafimaadka ee Hayat Diagnostic Centre, dabkan oo ahaa dab laxaad leh ayaa ka bilaabmay dhismaha oo ka koobnaa laba qaybood, dhisme hore iyo dhismayaasha dambe ee casriga ah.

Dhismaha qaybta hore ayaa dabku ka bilaabmay kuna xooganaa iyadoo halkaasna ka dhashay khasaare hantiyeed, halka dhismaha cusub ee fooqa ah ay ciidanka Dab-demisku dabkaa ka xakameeyeen kana hor istaageen inuu ku fido dabku, iyo meherado oo u badnaa bakhaaro oo ku dhinac yaalay.

Dabkan waxaa ka hawlgalay 12 Gaadhi oo Dab-demis ah iyo 85 Xubnood oo heegan u ahaa hadii dabku sii fido, kuwaasoo ka kala yimi dhamaan xarumaha ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa.

Waxaa dabkan dhaawac ka soo gaadhay 4 Xubnood oo Ciidanka Dab-demiska ah, kuwaasoo ku hawlanaa xakamaynta iyo nabadgelyanta qalabka cusbitaalka.Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Dab-demiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa isagoo hawlgalka ku jira laba jeer ku siibtay marmarka goobtaas.

Ma jirin khasaare nafeed iyo mid dhaawac toona oo dabkaasi sababay, waxaana ciidanku goobtaas tageen iyadoo albaabada iyo daaqaduhu xidhanyihiin dabkuna is haysto.

Hawlgalkan ayaa ilaa habeenimadii xalay ilaa saaka subaxdii hore ay heegan ku ahaayeen goobtaas Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Taliye Xigeenka,Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska iyo dhamaan saraakiisha ciidanka, sidoo kale waxaa iyaguna hawlgalkaa ka qayb qaatay labada Taliye qaybeed ee Ciidanka Booliska Caasimada iyo xarumahooda.

Dabkan ayaa la soo gabagabeeyay abaaro 6:45 Subaxnimo ee subaxnimadii hore saaka, waxaana ciidanka Dab-demisku badbaadiyeen hanti badan oo dhex taalay dhismaha goobtaas, iyadoo dhamaan dabkaas laga hakiyay dhismaha cusub ee xarunta oo ay yaalleen qalab aad u farabadan.” Sidaa ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hawl-galkii Ciidanka Dab-demiska iyo baaxadda dabka qabsaday Xarunta Caafimaadka ee Hayat.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories