HomeHargeysa: Mid ka mid ah Libaaxyo loo hadyadeeyay Madaxweynaha Jabuuti oo Dib...

Hargeysa: Mid ka mid ah Libaaxyo loo hadyadeeyay Madaxweynaha Jabuuti oo Dib loo soo celinayo iyo Sababta ka Dambaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Libaaxyada ku nool Beerta Libaaxyada ee Cali Maxamed Warran-cadde ee Magaalada Hargeysa, ayaa la doonayaa inay tarmaan, si tiradoodu u korodho, waxaanu maamulka beertaasi ku hawlan yahay sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen dedaallo qorshahan lagu suurta-galinayo.

Beerta Cali Maxamed Warran-cadde ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu hayaa 7 Libaax oo Lix ka mid ahi yihiin Aar iyo Hal Gool, laakiin Maamulka Beertaasi oo ah Cabdiqani Cali Warran-cadde, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle dib uga soo celiyaan mid ka mid ah Laba Libaax oo Cali Maxamed Warran-cadde uu hore Hadyad ahaan u siiyey, taasi oo ah Gool, si ay markaa u tarmaan Libaaxyada lagu dhaqo Beerta Libaaxyada Hargeysa.

Libaax_WarancadeCabdiqani Cali Warran-cadde oo ka hadlaya siday u dhaqaan Libaaxyada ay hayaan ayaa yidhi “Libaaxyada waxaanu Beertan ku haynay illaa 1992-kii oo aanu ku dhaqaalayneynay, waxaanuna jecel-nahay inaanu daryeello, Somaliland-na aan laga waayin Libaaxyada.”

Cabdiqani oo u warramay Telefiishanka SBC oo beertaa booqday, ayaa sheegay inay doonayaan inay Tarmaan isla-markaana badato Tirada Libaaxyadu “Hadda waxaanu halkan ku haynaa 7 Libaax (6 Aar iyo 1 Gool), waxaanu doonaynaa inay Tiradan ka bataan, sidaasi darteed waxaanu Madaxweynaha Dalka Jabuuti ee aynu Walaalaha nahay hore u siinay laba Libaax, oo Aabbahay Walaalnimo iyo Hadyad ahaan u siiyey, kuwaasi ayaanu doonaynaa inaanu Mid ka soo qaadno (ka soo celino), si ay markaa u tarmaan.  Markaa dhawaan waxaanu jecel-nahay inaanu Beerta keeno Gool (Libaaxa Dhedig)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Libaaxyada Maalin walba Cunto ayaa la siiyaa (Hilib), Nadaafaddoodana waanu daryeellaa, Dawana waanu siinaa (Hadday Bukoodaan).”

Lixda Aar ee lagu hayo Beertaasi badankooda waxa dhashay Goosha keliya ee hadda ku toddobada ah, laakiin sida Cabdiqani sheegay libaaxyadu si ay aad ugu tarmaan waxa Dalka Jabuuti laga soo celinayaa mid ka mid ah Laba Libaax oo Siyaasiga Cali Maxamed Warran-cadde uu hadyad ahaan u siiyey Madaxweynaha Jabuuti, taasi ah oo Gool, taasi oo Macnaheedu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu ku hadhayo ama uu sii haysanayo Hal Libaax ama Aar, maaddaama oo Goosha laga soo celinayo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories